Wasiirka iyo Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta oo MAANTA Si Rasmi ah Xilka ula wareegay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), ayaa si rasmi ah xilka wasaaraddaas ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Xilwareejinta Abiib (1)

Munaasibadda Xil Wareejinta oo maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda ganacsiga, xildhibaano,  afhayeenka Madaxtooyada Agaasamaha Guud ee Wasaarada warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaarada warfaafinta Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C/raxmaan, waxayna dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay wasaaraddu u leedahay Bulshada Somaliland.

Waxa ugu horreyn ka hadlay munaasibadda Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf  oo faahfaahiyey qaab dhismeedka wasaaradda, shaqaalaha iyo shaqada wasaaradda, isagoo tilmaamay inay wasaaraddu ka kooban tahay todoba waaxood.

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda warfaafinta Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C/raxmaan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaradani tahay wasaaradaha ugu saameynta badan dhinaca hay’adaha dawladda, isagoo balanqaaday inay xidhiidh wanaagsan la yeelan doonaan warbaahinta kala duwan ee dalka, wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan xuquuqda saxaafadda.

Wasiirkii hore hore ee wasaaradda Md Abiib Diiriye Nuur, ahna wasiirka wasaaradda Wershadaha, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda gaar ahaan rakibaaddii idaacadda weyn ee dalka wada gaadha iyo TV-ga Qaranka iyo sidoo kale dhismayaal wasaaradda laga hirgeliyey.

Xilwareejinta AbiibMd Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Gaba-gebadii hadal kooban ka jeediyey Munaasibadda, ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqaynayo xoriyadda Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo ta dawlada.“Waxaan idiin sheegayaa saxaafadda Madaxa-bannaan iyo saxaafada dawliga ah iyo Fannaaniinta dhammaan waxa ay hoos yimadaan Warbaahinta Qaranka Somaliland leeyahay. Wasaaraddanina waa wasaaradii u qaabilsanayd arrintaasi. Waxaynu dhamaanteen ka wada-shaqayn doonaa in suxufiga Dawladu uu xaquuqdiisa rasmiga ah helo iyo In suxufiga Madaxa-banaanina xaqiisa rasmiga ah helo,”ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu hadalkiisa sii raaciyey, “Xaquuqdooda rasmiga ah ayaynu ka shaqayn doonaa. Waxaynu bari doonaa inay sharciga iyo Qaranimada Somaliland Ixtiramaan. Waxaanu saaxiibi doonaan saxaafada Madaxa-banaaan.”

Wasiirka Cusub ee shalay la wareegay xilka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqan Md Cabdilaahi Daahir (Cukuse), ayaa noqonaya masuulkii Afraad ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabo wasaaraddaas muddadii saddexda sanno ahayd ee Xisbiga Kulmiye talada dalka hayey, waxaana xilka wasaaraddaas uga horreeyey, marka laga reebo wasiirka uu xilka kala wareegay, Wasiirradii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaal, Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).

SOMALILANDPOST.NET