Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa jawab ka bixiyey isla markaana ka hadlay xaqiiqada war laga baahiyey, kaas oo sheegaya inuu hadal af-lagaaddo ah ku duray bulshada ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaan degmada Laascaanood.
Warkan oo todobaadkii ugu dambeeyey dhex-jibaaxayay qaybaha warbaahinta iyo mareegaha xidhiidhka bulshada, ayaa lagu sheegay in wasiirku ku tilmaamay shacabka ku nool gobolka Sool inay waxyeello iyo hagar-daamo ku yihiin qaranimada Somaliland isla markaana aanay wax faa’ido ah u lahayn dhinaca wax-soo-saarka iyo dakhliga dawladda.
Haddaba, wasiirka Maaliyadda oo uu weheliyo wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa gaashaanka ku dhuftay warkan laga baahiyey oo uu ku tilmaamay been-abuur iyo muuqaallo laysku keen-keenay oo loogu badheedhay in sumcaddiisa iyo sharaftiisa lagu dhaawaco.
HADDABA MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA WASIIRKA IYO SIDA UU ARRINTAN UGA FAL-CELIYEY
https://youtu.be/i4Ao9bgFHAM