Wasiirka Horumarinta Jidadka oo Kormeer ku maray Mashruuca Berbera Corridor oo Dhismihiisu socdo

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa maanta kormeer uu ugu kuur-galayo ku soo indho-indheeyey habsami u socodka Mashruuca Berbera Corridor oo ah dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu sameynayo Jidka laamiga ah ee Isku Xidha Berbera iyo Tog-wajaale, iyadoo xilligan hawshu ka socoto Jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.

Marka laga yimaaddo Dib-u-dhiska iyo Ballaadhinta lagu sameynayo Jidka Laamiga ah ee u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, waxa kale oo mashruuca ka mid ah dhismaha Jid laami ah oo dhererkeedu dhan yahay 20KM oo duleedka Woqooyi ka maraysa caasimadda Hargeysa ilaa gaadhayo Jidka laamiga ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo tuulada Abaarso oo ay kaga darsamayso Laamiga ah.

 

Haddaba, kormeerka Wasiirka iyo faahfaahinta uu ka bixiyey halka ay hawsha dhismaha mashruuca Berbera Corridor marayo, kaga bogo Muuqaalka Hoose