Wasiirka Horumarinta Deegaanka iyo Reer Miyiga oo Lagu Soo dhaweeyey Safaaradda Somaliland ee London

London (SLpost)- Waxa booqasho gaaban ku jooga cariga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London Wasiirka horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, Dr. Maxamuud Siciid (Gacamay),  Wasiirku waxa dhawaan kasoo kasoo kicitimay Somaliland isagoo ku jooga booqasho 3 todobaad ah, Waxa Wasiirku uu shalayto booqasho ku tagay Safaarada Somaliland ayku leedahaydalkan Ingiriiska gaar ahaan magaalada London wax safarkisa ku wehelinaayey qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee degan magaalada London,
Waxa safaarada kusoo dhaweeyey Safiirka Somaliland UK  Ambassador Cali Aadan Cawaale oo Wasiirka aad ugu mahadnaq booqashada uu wasiirku ku yimid safaarada.Safiirka Somaliland Uk waxa uu ugahoreyn uga waramay xaalada guud ee safaarada iyo isbedelka ay ku sameeyeen  intii xafiiska la balaadhiyey,sidasoo kale waxa uu Ambassador Cali uga waramay xaalada guud ee shacabka reer Somalilland ee dalkan degan iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii xafiiskan ay xidhiidh wacan u dhex mari lahaa shacabka reer Somalilandba. Waxa safiirku uu sheegay oo kale in xafiiskani uu wax weyn ka tari doono horumarka arimaha dibada iyo ictiraafraadinta  Somalilandba isaga oo ku tilmaamay in uu ku dedaali doono sidii uu xidhiidh wacan ula sameysan lahaa dalkan Ingiriiska iyo dhamaan safaaradaha dalalka kaleba. Safiirku waxa kale oo uu sheegay in uu dhawaan booqasho ku tagay safaarada Ethiopia isaga oo ka tacsiyadeynaayey geeridii ku timid Reysal wasaarihii dalkan Ethiopia Melez Zenawi.
Wasiirka horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay),  oo isna hadalo kooban yidhi’ waxa uu ugu horeyn mahadsanq usoo jeediyey safiirka Somaliland UK Ambassador Cali Aadan Cawaale iyo shaqaalaha xafiiska  sida ay nosoo dhaweeyeen iyo qaar ka mid ahaa jaaliyada reer Somalilandba oo safarkiisa ku weheliyey,Waxa uu warbixin kooban uga waramay xaalada guud ee dalku maraayo iyo horumarka dalku sameeyey oo uu ku micneeyey in ay meel wacan marayso, Waxa uu kale oo uu  aad usoo dhaweeyey sida quruxda badan ee xafiiska loo qalabeeyey oo uu ku micneeyey inay tahay safaarad wax weyn ka tari doonta ictiraaf raadinta Somaliland iyo u adeegida jaaliyada reer Somaliland ee degan dalkan Ingiriiskaba,waxa uuna bulsha weynta reer Somaliland kula taliyey inay xidhiidh wacan la yeeshaan xafiiskooda oo ay wixii talo ah iyo wanaagba la garab istagaan.
Wasiirka waxa la filayaa in dhawaan uu la hadli doono jaaliyada reer Somaliland ee degan Uk ugana warami doono arimo badan oo ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan wasaaradiisa degaanka  iyo reer miyiga oo ah wasaarad aad u muhiim ah kana warami doono dhinacyo fara badan fadlan dhawaan ayaa meesha ay ka dhici doono la soo dhajin donaa waxa la idinka codsanayaa inaad kasoo qayb gashaan.
Xamse Axmed Salaan
London