Wasiirka Hawlaha Guud oo Goleyaasha Deegaamada Dalka ka Dalbaday inay soo gudbiyaan Macluumaadka Dhulka Danta guud ee Dalka

Cabdirisaaq-KhafliifHargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo guriyaynta Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta soo saaray qoraal uu dawladaha Hoose ee dalka ku farayo inay soo gudbiyaan  dhulka danta guud ee ay qoondeeyeen iyo dhulkii danta guud ee ay kala wareegeen goleyaashii iyaga ka horeeyay.

Qoraalka Wasiirka kaga dalbaday Goleyaasha Deegaanka inay u gudbiyaan Dhulka Danta Guud, ayaa u qornaa sidan:- “Si loo dardar geliyo waajibaadka iyo adeega shaqo ee Wasaaradani u qabato, Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo xeerarka iyo sharciga dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan liiska danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya.

1-Danaha guud ee aad kala wareegteen Golihii Deegaanka ee idinka horeeyay

2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen

3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray

4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo

5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay

6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo Tafaasiishooda idinkoo u soo kala saaraya adeegyada kala ah

·        Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha)

·        Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha)·        Garoonada Ciyaaraha

·        Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH

·        Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada  iyo wixii la mida

Waxa Maayiyarada mar labaad lagu adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iyaga ooh al nuqul oo danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Gobol/Degmo mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu dambayn 21/03/2014

Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara).ayuu ku yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Wareegtadaasi uu soo saaray.”

SOMALILANDPOST.NET