Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo Dalka Imaaraadka kaga Qayb-galaya Shir-sannadeedka Dhaqaalaha Dalalka Afrika iyo Khaliijka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland  Dr. Maxamed  Cabdilaahi Cumar oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Khaarajiga Maxamed Xasan, ayaa shalay socdaal shaqo u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta oo ay kaga qeyb galayaan shir caalami ah oo lagaga hadlayo Ganacsiga.

Wasiirka-GanacsigaWasiirka Ganacsiga Somaliland oo warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada socdaalkooda ka hor intii aanay dalka ka amba-bixin, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland lagu marti-qaaday shirkaas isla markaana uu yahay lagaga hadlo xidhiidhada ganacsi ee dalalka Afrika iyo Khaliijka Carabta.

“Waxaan ka qeyb galaynaa shir balaadhan oo sanadkiiba mar la qabto oo ay iskugu yimaadaan Wasiirrada dhaqaalaha u qaabilsan dalalka carabta iyo dalalka Afrika, waxaana lagu qabanayaa magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka catabta.”

Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay inay rajaynayaan inay madaxda shirkaas ka qayb-galaysa kala hadlaan xidhiidh ganacsi oo Somaliland la wadaagto, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan rejaynaynaa madaxda iyo khubarrada shirweynahan ka soo qeyb galaysaba aanu kala hadalno  xaaladda ganacsiga Somaliland, fursadaha maal-gashiga. Shirkani waa shir heer Wasiir ah oo magaciisa la yidhaahdo shirka maal-gashiga oo Wasaaradda Ganacsiga iyo dhaqaaluhu sanadkiiba hal mar marti-geliso,”ayuu yidhi Wasiirku.

Agaasimaha GuudWasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay, “Somaliland ahaan farxad weyn ayay noo tahay inaanu shirkaasi ka qeyb galno, waxaanan filaynaa inuu noo suurto-gelin doono inaanu qaddiyadeenna dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo wixii aynu taageero uga baahan nahayba aanu kala xaajoono wufuuda faraha badan ee shirkaas ka qeyb galaysa,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

SOMALILANDPOST.NET