Wasiirka Ganacsiga oo Xadhigga ka jaray Xarun magaceeda loogu Wan-qalay GOOGAA oo qayb ka ah Shirkadda Dollar Stores

HARGEYSA (SLpost)- Shirkadda Dollar Store, ayaa maanta qayb ganacsi oo cusub ka furatay Magaalada Hargeysa, waxaana munaasibad loo qabtay daah-furka xaruntan xadhigga ka jaray Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim.

Xaruntan Ganacsi oo Magaca loogu wan-qalay yahay GOOGAA, ayaa laga furay Suuq-yaraha Deero Mall ee Hargeysa, waxaana munaasibada furitaanka ka qayb galay Wasiirrada ganacsiga iyo Warshadaha, Maayarrada Hargeysa iyo Jabuuti, Masuuliyiinta Shirkadda Dollar Store, Ganacsato iyo Marti Sharaf kale.

googaMulkiilaha Shirkadda Dollar Store Axmed Cumar Cali oo ugu horayn hadal ka jeediyay Munaasibadda Furitaanka, ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta iyo marti sharafka ka qayb galay furitaanka Xarunta Ganacsi ee GOOGAA oo qayb ka ah Shirkadda Dollar Store.

Mulkiilaha ayaa sharaxaad ka bixiyay Xaruntan ganacsi ee maanta la furay, “Waxaynu Maanta Daah-furaynaa goob ganacsi oo cusub oo Casri ah oo ka soo jeeda Kambanigan Dollar Store. Goobtan ganacsi waxaa loogu magac daray Magac Aff-soomaali ah oo aan runtii mudo raadinayay inaan suuro galiyo oo mar uun la helo Kambani Magac Soomaali rasmi ah leh. Intaas ka dib Ilaahay wuxuu noo suuro galiyay inaanu helo Magac Af-soomaali ah oo aan filayo inay hadda Soomaaliga ka sii dabar go’ayso oo ah Kalmada la yidhaahdo GOOGAA,” ayuu yidhi Mulkiile Axmed Cumar.

gooogaaaMulkiilaha Shirkadda Dollar Store waxa uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay Goob ganacsiga Googaa kaga duwan tahay Qaybaha kale ee Dollar Store waxaanu yidhi, “GOOGAA waa Goob Ganacsi oo u qaabaysan qaabka casriga ah ee maanta dunidu u shaqayso, haddii ay tahay xagga Shaqada, xagga Shaqaalaha iyo Xagga Alaabtaba. Runtii dhinac walba oo ay tahay waxaanu galinay tacab badan iyo aduun badan si aanu u suurto galino Goob ganacsi oo Mushtamaca iyo Macaamiishayaduba ku qancaan.”

Axmed Cumar Cali Waxa uu sidoo kale sharaxay qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta GOOGAA “Googaa waxay ka kooban tahay qayb Rag iyo qayb Dumar. Waxa halkaas yaala wixii Rag u baahnaa oo dhan, haddii ay tahay xagga labiska, xagga dukaamaysiga iyo dhinac walba. Sidoo kalena Baahiyaha dumarka oo dhan ayaa yaala oo nooc walba leh” ayuu yidhi Mulkiile Axmed.

googaaaMulkiilaha Xaruntan Ganacsi Axmed Cumar Cali waxa uu sheegay inay sidoo kale dhinac shaqo abuurka qayb ka tahay islamarkaana ay ka shaqaynayaan ilaa 15 dhalin yaro ah badankoodu ka qalin jabiyay Jaamacaddaha qaarkoodna wali dhigtaan.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo isna ka hadlay Madasha lagu daahfuray Xarunta ganacsi ee GOOGAA ayaa sheegay in Mulkiilaha Shirkadda Dollar Store tusaale u yahay fursadaha ganacsi ee Somaliland ka jira. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu tusaale u yahay dhalin yarada tahriibayso oo dalkooda ka heli lahayd fursado badan.

Maayarka Caasimada Dalka Jabuuti Mr Xuseen Qayaad ayaa isna hadal kooban ka jeediyay munaasibada waxaanu sheegay inuu Somaliland ku arkay waxyaabo badan oo cajab galiyay “ waxyaabo badan oo I cajab galiyay ayaan Hargeysa ku arkay, waxa weeye Rag dhalin yaro ah oo wadankoodii maalgashanaya oo ku kalsoon oo ku qanacsan inay wadankooda wax ka samayn karaan. Tusaalena u ah dhalin yarada tahriibaya ee dalal shisheeya haybsanayana inay dalkooda wax ka soo saari karaan” ayuu yidhi Maayarka Jabuuti.

Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Wasiir xigeenka Kaluumaysiga Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale oo iyana halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa ka marag kacay dedaalka Mulkiilaha Dollar Store iyo sida ay Xarumaha shirkaddiisu uga qayb qaadanayaan horumarka dalka iyo bilicda Magaalooyinka. Waxayna ugu duceeyeen in Xaruntan kalena noqoto mid Barakaysan oo horumarta.

goooogaaaWasiirka Ganacsiga Mudane Muuse Qaasim, ayaa isna ka hadlay ahmiyada Ganacsigu u leeyahay dalka, isagoo tilmaamay qorsheyaal lagu ilaalinayo Xuquuqda Ganacsiga oo wasaaraddiisu wado. “Aad baan ugu faraxsanahay inaynu maanta halkan u fadhino daahfurka Kambanigan Magaca wanaagsan leh ee Googaa. Anigoo ah wasiirkii ganacsiga waxaan balanqaadayaa inaanu ilaalino Magacaa GOOGAA oo aan Cid kale Qaadan, rugta Ganacsiguna masuuliyadaas way leedahay. Waxaanu balan qaadaynaa inaanu dhiiri galino Dhalin yarada samaynaysa Meherado leh Magac Soomaali ah. Waxaanuna balan qaadaynaa inuu Magaca Meheradi leedahay gaar u ahaan doono oo an cid kale Isticmaali Karin. Haddii GOOGAA halkan laga furay inaan googaa kale oo cid kale leedahay daantaas iyo meel kale toona laga furin ayaanu balanqaadaynaa”.

Gabagabadii ayaa Masuuliyiinta iyo marti sharaftii Munaasibadaasi ka soo qayb gashay la gudoonsiiyay Haddiyado Shirkaddu ugu talo gashay, iyadoo sidoo kalena ay soo wada indho-indheeyeen qaybaha Xaruntan ganacsi sida qaybta dumarka iyo Qaybta raga iyo Alaabooyinka yaala.

Dhinaca kale, xaflad ballaadhan oo qayb ka ah furitaanka ganacsiga GOOGAA, gaar ahaan dukaammada dumarka loogu talogalay oo la qabtay caawa, waxa ka qaybgalay martisharaf ka kooban haweenka sida wayn macmiisha ugu ah shirkadda Dollar Store ee qaybtan cusubna mataanaha looga dhigay, kuwaas oo madasha qof qof loogu guddoonsiiyey abaalmarino isugu jira dhar iyo udugga dumarka oo si gaar ah loogu maamuusay.

Mulkiilaha shirkadaha ganacsiga ee GOOGAA iyo Dollar Store Mr. Axmed Cumar Cali ayaa u sharraxay dumarkaasi ganacsigan cusub, adeegyada ay bixinayaan oo uu sheegay inay yihiin kuwo casri ah oo la mid ah kuwa ganacsiga dunida horumartay, shaqaale xirfad u leh oo loo carbiyey iyo alaab tayadeedu sarrayso.

SOMALILANDPOST.NET