Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha oo Khubaro Faransiis ah kala wareegay Diiwaanka Goob Taariikhi ah oo Somaliland ku taala

Hargeysa, 10 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta kulan lagu qabtay Wasaaradaasi kula wareegat 500 oo buug oo ku saabsan macluumaadka ku duugan goobta qadiimiga ah ee Laas-geel taas oo ay soo daabaceen khubaro faransiis ah oo aqoon u leh ataarta qadiimiga ah kana socday Jaamacadda weyn oo faransiiska ku taal ee La yidhaa Paul-Velery Montpellier.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga oo ka hadlay Munaasibada wareejinta deeqdan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradaasi waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Khubaradan Faransiisku ay soo saaraan Buug ka hadlaya taariikhda ay ummadani leedahay waxaanu xusay inay cilmi  baadhistani ay wax weyn ka tari doonta wax ka ogaanshaha xadaarada ay ummadani leedahay.

Md. C/Risaaq Khaliif wuxuu uga mahad celiyay khubaradan iyo jaamacadoodaba oo uu xusay shaqo wanaagsan ka qabteen cilmi baadhis mug-leh oo ay ku sameeyeen goobta Laas-geel.

Wasiirku waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay xubno ka mid ah hawl-wadeenadda wasaaradda oo kooxdan la shaqeynayay oo uu ka carabaabay Maxamed Cabdi oo ka mid ah saraakiisha waaxda dalxiiska ee wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska.

Prof. Vavier Gutherz oo hoggaaminayay kooxdan oo illaa sideed xubnood oo khubaro ataarta qadiimiga ah aqoon u leh kana socday Jaamacadda faransiiska ah ee Paul-Velery Montpellier oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay nuxurka ay xambaarsan yihiin buugtan ay soo daabaceen ee ku saabsan ataarta qadiimiga ah,Waxaa kale oo Khabiirkani u mahadceliyay  Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Wasaarada Ganacsiga gaar ahaan Waaxda Dalxiiska oo shaqo adag la soo qabtay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Axmed Cilmi.

SLpost News/Hargeysa