Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed U Sameeyey Madax-Dhaqameedka Bariga Sanaag oo socdaal ku jooga Hargeysa

Hargeysa (SLpos)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay madaxda dhaqanka ee beesha degta Bariga Gobolka Sanaag iyo Badhan oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Qado sharaf tan oo ka dhacday Hotel Suldaan ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi madaxda dhaqanka ee Beesha Ciise iyo madaxda, cuqaasha, salaadiinta Beesha Warsan gali.

IMG_0010

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada boosaha iyo isgaadh-siinta Cali Cilmi Geele kaasi oo sheegay xidhiidhka soo jireenka ka ah ee ka dhexeeya beesha Warsangali iyo beesha Ciise oo ah bulsho ku dhaqan magaalooyinka xeebaha Somaliland ee sida Laas-qoray iyo waliba deegaanka taariikhda weyn leh ee Saylac oo ah meelaha taariikhda guunka ah leh ee ku yaala Somaliland waxaanu sheegay in hadhimo sharafeedkani uu sameeyey wasiirku ay tahay mid loo baahnaa.

IMG_9956

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay madaxda dhaqanka ee waftiga ka yimid gobolka Sanaag iyo Badhan oo si isku mid ah uga hadlay wanaaga iyo sharafka ay kala kulmeen dhamaan shacabka Somaliland qaybihiisa kala duwan waxaanay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin sida milgaha leh ee Wasiirka gaashaandhigu hadhimo sharafeedkaasi ugu sameeyey waxaana halkaasi si weyn uga hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Cali  oo mahadnaq iyo ducoba kaga dareen celiyey casuumada qado sharafta ah ee uu wasiirka gaashaandhigu ku maamuusay madaxdhaqameedka gobolka Sanaag ka yimid.

IMG_9957

Wasiirka wasaaradda cadaalada JSL Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa sheegay in madax dhaqameedka hada Hargeysa ku sugan ay yihiin kuwo yimid dalkoogii qayb ka mid ah jecelna wax wada qabsiga iyo sidii qarankani JSL uu u taaba qaadi lahaa waxaanu sheegay in ay guulaha iyo horumarka lagu gaadho wax wada qabsi iyo wada jir maantana ay tusaalo buuxa u yihiin madax dhaqameedka hargeysa soo gaadhay waxaanu u mahad celiyey wasiirka hadhimo sharafeedka ku maamuusay madax dhaqameedka gobolka Sanaag Iyo Badhan.

IMG_9993

Gebo-gebadii waxa halkaasi hadalka soo xidhay wasiirka wasaarada Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo sheegay in uu ku farax san yahay in uu maanta maamuuso hadhimo sharafeedna u sameeyo madax dhaqameedka ka yimid gobolka Sanaag Iyo Badhan oo socdaal dheer u soo galay sidii ay qayb uga noqon lahayeen horumarka weyn ee Somaliland ka socoda waxaanu sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo