Wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka hadlay Ujeeddada Shir Beeshiisu ku Qabsanayso Xiin-galool oo Shaki laga muujiyey

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Shir walaac laga muujiyey oo ay Beesha Bariga Sanaag (Warsangeli) sheegeen inay bishan ku qabsanayaan deegaanka Xiin-galool oo ka tirsan gobolka Badhan, waxaanu sheegay in shirkaasi yahay shir Beeleed aan siyaasad shaqo ku lahayn.

CADAMIWasiirka Wasaaradda Gashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta war baahina kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sidaa sawir ka duwan ka bixiyay shirka ay qababn qaabadiisu ka socoto magaalada Xiingalool ee u furmaya beeshiisa,waxaanu sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhaqan oo beeleed isla markaana beeshu kaga wada hadlayso arrimo dhaqan,waxaanu meesha ka saaray in shiraa ay ka soo bixi karan wax lid ku ah Somaliland.

HALKAN KA DHEGAYSO

Somalilandpost.net