Wasiirka Gaashaan-dhigga oo Golaha Guurtida Warbixin ka siiyey Hawlaha Ciidanka Qaranka iyo Shaqada Wasaaraddiisa

Axmed Xaaji Cali Cadami

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Cali X. Cadami, ayaa maanta Golaha Guurtida warbixin ka siiyey hawsha Wasaaraddiisa iyo xaaladda Ciidanka Qaranka Somaliland.

Fadhiga Golaha oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha labaad ee Guurtida Md Siciid Jaamac Cali, waxa uu wasiirku warbixintiisa kaga hadlay tayada ciidanka Qaranka iyo doorka ay ka qaataan ilaalinta xuduudaha iyo amniga dalka.

Md Cadami waxa uu sheegay in guddi saraakiil ah oo ciidan loo xulay inay is barbar dhigaan qaab hawleedka Ciidamada caalamiga ah gaar ahaan wadamada inala itaalka ah iyo hanaankii Somaliland ku dhaqmaysay xiligii ay Xukuumadan xafiiska joogtaa xafiiska la wareegtay.

CADAMIWasiirku waxa uu sheegay in ay falanqayn ka bacdi soo bandhigeen buug wasaaradda gaashaandhigu leedahay oo ay ku dhan yihiin qaab hawleedkii maamul iyo kii ciidan ee ay wasaaraddu ku hawlgeli lahayd,hawshaana la dhamaystiray iyadoo aan cid kale taageero laga raadsan.

Md Cadami waxa uu sheegay in Gudidaasi talo habboon ku soo jeedisay in si qarsoodi ah oo nadaamsan oo taxadar ku lammaan yahay loo ogaado tirada Ciidanka Qaranka Somaliland. Tirakoobkaas oo lagala kulmay hawl adag oo uu ka mid ahaa dagaalkii wasaraddu la gashay caaglayaashii ciidanka ku dhex shaandhaysnaa ugu dambayntiina lagu guulaystay in hoosta laga xariiqo tiro sugan oo Ciidanka Qaranka somaliland leeyahay, loona dhamaystirayo calaamadahoodii iyo derejooyinkoodii.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigu waxa uu mudanayaasha Golaha Guurtida u caddeeyey in tababaro lixaad leh loo furay ciidan beeleedo ku sugnaa gobolada Bari ee Somaliland, isla markaana ay tayo adag ku soo kordhiyeen Ciidanka qaranka.

Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha ciidanka Qaranka ay ku soo biireen hawl-gallo aanay markii hore qaban ku jirin, kuwaas oo uu ka tilmaamay hawl-gallada ilaalinta Xeebaha iyo sugidda amniga gudaha oo ay ciidanka booliska kala qayb-qaataan.

SOMALILANDPOST.NET