Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Naqdiyey Warbixin laga diyaariyey Dhaliilaha Wasaaraddiisa oo uu dhibsaday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa jawaab ka bixiyey barnaamij lagaga hadlo maamul-wanaagga oo ka baxa telefiishanka madaxbannaan ee HCTV, kaasoo qaybtiisii u dambaysay lagaga hadlay arrimaha khuseeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, waxa uu naqdiyey qaabka loo diyaariyey, loona baahiyey barnaamijkaas oo uu xusay inay ka muuqato aqoon-darro la xidhiidha shuruucda dalka, qaab-dhismeedka hay’adaha dowliga ah iyo qaabka ay Hay’adaha Dowladdu u wada shaqeeyaan.

“Qofka barnaamij diyaarinaya inta badan waa baadhe (researcher), qofka wax baadhayana waxa fiican in xogta uu diyaarinayo ay noqoto xog xaqiiqo iyo caddaymo leh (fact and figures) oo uu ummadda u soo bandhigo, waxaanad moodaa barnaamij muddo soo socday weeyaan. Horta waxa aannu ka cudur-daaranaynaa in aannu ka jawaabno barnaamij aad u hooseeya oo noocaas oo kale ah, laakiin haddana si aan shacbiga Somaliland majarahooda looga celin ayaannu jeclaysannay in aannu dhawr kelmadood ka nidhaahno, waxaanna barnaamijka ka muuqata aqoon-darro maamul iyo aqoon-darro ah xaga shuruucda dalka iyo hay’adaha dowliga ah ee dalka qaab-dhismeedkooda iyo nidaamkoodaba, waxa kaloo ka muuqata aqoon-darro xaga mashaariicda dalka ah oo marka aad doonayso in aad wax ka sheegto hay’ad dowli ah (institution) waxa fiican in aad sharcigiisa, shaqaalihiisa, hay’adihiisa iyo wixiisaba aad si fiican uga hadasho ama  aanad gawdh-gawdhin ee aad si ballaadhan uga hadasho,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Markaa waxaan jecelahay in Wasaaraddan oo aan ka arkayey barnaamijkii habeen hore iyo xalay (habeenkii Axadda iyo Isniinta) aan saxo oo horta sida uu sheegay Wasaaraddu waa mid cusub oo waa Wasaaraddihii cusbaa ee qaranka lagu soo kordhiyey, waana Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, markaa shaqaalaha Wasaaraddani waxa ku jira qayb ka tirsanaa Wasaaraddii Kalluumaysiga oo waxa jira Waaxo ay Wasaaraduhu wada wadaagaan (cross-cut) oo sida Maamulka iyo Lacagta ama Qorshaynta oo kale, laakiin Wasaaraddu lamay wareegin uun shaqaalihii Kalluumaysiga ee waxay la wareegtay shaqaalihii waaxda gaadiidka oo laban-laab ama saddex-laab ka badnaa Wasaaraddii Kalluumaysiga oo shaqaale badan ayaa lagala wareegay, Wasaaraddanina waa shan waaxood, waxa kaloo hoos yimaada Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee RDA, shaqaalahaasina waa shaqaale xirfad leh, markaa waxa aan doonaa in aan saxo qodobkaas maamul ee aqoon-darradu ka muuqato (ee uu baahiyey HCTV).”

Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland
Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland

“Qodobka labaad waa xeerarka dalka, shuruucda iyo dhismaha laamaha dowladda, waxaanna inankaas (diyaariyey barnaamijka) aqoon-darro badan, waxaanna jirta in Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee xeer Lr. 23 iyo Xeerka Waddo-marista ee xeer Lr. 56/2016 iyo Xeer-nidaamiyaha 01/2018, Xeerka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladdu oo intuba waxay samaynayaan kala-xadaynta awoodaha (Segregation of power) oo waxa jira Wasaaradda iyo Dowladaha Hoose wax ayey ka masuul yihiin, xadna way kala leeyihiin oo Wasaaradayada waxa ay masuuliyaddeedu ka bilaabantaa waa jidadka ka baxdan magaalooyinka iyo waddooyinka waaweyn (high ways), laakiin wixii ah gudaha magaalada, istaamada basaska iyo waxyaabaha noocaas ah waxa ku shaqo leh Dowladaha Hoose.”

Wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la dhiso ay ugu qaalisan yihiin waxyaabaha ah kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin waddooyinku, waxaannu yidhi; “Waxa la dhiso waxa ugu qaalisan waa kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure), waana waddooyinka, madaarrada iyo dekedaha, waana waxyaabaha ay masuulka ka tahay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in badanka Miisaaniyadda Wasaaradoodu ay ku baxdo hawlaha ay qaranka u hayso Hay’adda Horumarinta Waddooyinka oo hoos timaadda Wasaaraddan.

“Miisaaniyaddii Wasaaradda ee sannadkii 2018, waxa  80% isticmaalaysa Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Wasaaraddu may isticmaalayn, halka sidoo kale sannadkan 2019-ka ay Hay’adda Horumarinta Waddooyinku isticmaalayso 74.5% oo ah wixii ay isticmaashay iyo waxa u hadhsanba, markaa 5.5% oo miisaaniyaddaas ka mid ah waxa loogu talogalay mashruuc Gobolka Togdheer, Caasimaddiisa Burco ah oo laga dhisi doono biriijka cusub, qayb ka mid ahna aannu imminka u sii daynay, waxaanna Wasaaradda oo dhan u soo hadhay 20% oo qudha,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa sidoo kale ka hadlay dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Boorama iyo Lawyo-caddo, kaasoo uu caddeeyey in ay fulintiisa gacanta ku hayso dowladda Somaliland, balse ay mashruuciisa wada-jir u saxeexeen Dowladaha Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

“Mashruucan waxa maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika (Africa Development Bank), waxaanna hal-abuurkiisa lahayd Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo markii uu Madaxweynuhu tegay dalka Jabuuti uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in waddadaas wax lagala qabto, Madaxweynaha Jabuuti-na wuu ka hawlgalay oo waxa uu sameeyey in isaga iyo Dowladda Itoobiya ay ka wada codsadaan Bangiga Horumarinta Afrika in waddadaas loo dhiso Somaliland, halka markii dambena ay arrintaas qayb ka noqotay Dowladda Soomaaliya, maadaama aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Baanka Horumarinta Afrika ee mashaariicda saxeexa. Innaga Soomaaliya waxa ay inoola mid tahay Itoobiya oo kale oo Jabuuti oo kale ayey inoola mid tahay, waxaanna mashruucaas wada saxeexay saddexdaas dal, maadaama innagu aynaan ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika, shaqadiisa iyo hawshiisana waxa gacanta ku haysa Dowladda Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Cismaan Abokor.

 

Somalilandpost.net

somalilandpost[at]live.com