Wasaaradda Duulista oo heshiis dib loogu habaynayo Madaarka Hargeysa la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha

Hargeysa, 03 March, 2012 (SLpost)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland iyo Shirkada laga leeyahay dalka Shiinaha oo la yidhaahdo China Hono Group, ayaa maanta waxay si rasmiya u kala saxeexdeen heshiis lagu dhisayo madaarka magaaladda Hargeysa.
Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtayxafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ku sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhisitaanka madaarka waxa uu wasiirku xusay in Qandaraaskii dhawaan la qaaday oo ay ku tartameen Shirkado badan ay ku Guulaysatay dhismaha Madaarka Hargaysa Shirkadan ay Heshiiska kala saxeexdeen ee lagu magacaabo China Hono Group.
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo sheegay in la bilaabi doono madaarka magaalada Berbera oo ay shirkad kale ku guulaysatay dayactirkeeda, waxaanu tilmaamay in shirkad kale ayaa ku guulaysatay qandaraaska iyo dhismaha madaarka magaalada Berbera.
Wasiirka Duulista iyo Hawada oo iftiiminayay nuxurka heshiiskan ayaa ku tilmaamay in maadaama lagu dhawaaqay in shirkadani ku guulaysatay dhismaha madaarkan in looga baahan yahay inay aqbalaan heshiiska si waafaqsan Nidaamka iyo xeerka oo cadaynaya in soddon maalmood heshiiska lagu saxeexo isla markaana ay qalabkooda soo raran si shaqadda loo bilaabo.
Dawlada Kuwayt ayaa Somaliland ka caawinaysa dhismaha labada Madaar ee Hargaysa iyo Berbera kaas oo ay ku baxayso adduun dhan Toban Milyan oo doolar .

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net