Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Qoraal Ka Soo Saaray Shirka Qorilugud Ee  Beeshooda Oo uu Ka Qaybgalay

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.

” Saaka waxaan ka qayb galay shir weyn oo ay ku soo gabagabeeyeen beelaha Solomadow, oo lagu qabtay magaaladda Qorilugud, shirkaas oo ahaa shir nabadeed looguna magic daray DALJIR. kaas oo beelaha Salomadow ay kaga tashanayeen midnimadooda iyo siday u adkayn lahaayeen nabadgalyada gobolka Buuhoodle. ILAHAY ayaa ku mahadsan (SWT), mar labaadna waxaan uga mahad celinayaa madax dhaqameedkii, indheergaradkii, odayaashii iyo ergooyinkii kala duwanaa ee madashaa isugu yimid iyo siday isaga xil saareen adkaynta nabad galyada, taas oo ah mid ay ku jirto dantooda iyo danta shacabka Buuhoodle iyo danta guud ahaa Umadda Somaliland.

11924971_389200604610508_5277224670250973755_n 11055335_389201937943708_8836549491773987007_n 11885137_389196911277544_861232407475345581_n

Waxaan rumaysanahay bulshada ku dhaqan Gobolka Buuhoodle inay tahay bulsho bisil oo colaad yaqaana, waayo badana u soo joogay, waayo arag-nimana u leh colaadda, sidaa darted maanta waxa la soo gaadhay xiligii laga shaqayn lahaa nabadgalyada, bulshaduna ay gacmaha isu qabsan-lahayd, loona gufayn lahaa galdadloolada ay leedahay, wixii dhibana iyadoo dhinac looga soo wada jeedo looga hor tagi lahaa.

Xukuumadda Somaliland ee aan ka midka ahay waxa ka go’an inay ka shaqayso, Nabad galayadda, muddada intaa le’egna waanu ka shaqaynaynay, waxaanu galinay maskax badan iyo maal badan sidii meeshaa nabadi ugu dhici lahayd, bulshada Walaaha ah ee ILAHAY Halkaa ku beeray ugu maanu kala faalin ee waanu isugu faalinay, ilaayo hadana waxa naga go’an in aanu midayno dhibaatada ka dhex qaadno qiimo kasta oo ay nagu kacayso, Nabaduna waxay u baahan tahay in layska kaashado shacab iyo dawladba.

Waxaan si gaara u xusayaa dadkaa Walaaha ah ee ILAHAY halkaa dhigay, maaha mid suuro gal ah in qolana ay ka tagto ilaa inta uu Qiyaamuhu dhacayo sidaa darteed waxa mihiim ah in bagooda burcad laysu mariyo, iyo in wanaagooda laga shaqeeyo, waxaana si gaara u hambalyeynayaa dadka Qurbajooga ah ee maalgaliyey shirkaa beelaha Salomadow, waxana muuqada in dadka Qurbajooga ahi hadii uu Nabadda u dhaqaaqo oo aanu colaad soo waaridin inuu sidaa ugu shaqayn karro, waxaan dhinaca kale ee Aqoonyahaynka iyo Qurbajooga Buuhoodle ka rajnaynayaa inay iyaguna sidaas oo kalena nabadda ugu shaqeeyaan Ajiibaana dalabka iyo baaqaa walaaladood ka soo yeedhay.

Ugu dambayn waxaan leeeyahay Ragga waaweyn ee qaarkood colaadda ku foogan yihiin, waxaan leeyahay waa nasiib darro, Gobolka Buuhoodle uma baahna in Colaad iyo masiibo loo soo waarido, xasaradna laga dhex dhigo dadkaa walaalaha ah, balse wuxuu u baahan yahay in la dhex dhigo Nabad, caqli, garasho, Walaanimo, iyo Iskaashi ay ku gaadhaan Asaagood iyo Dhigooda kale ee Somaliland.

Wax suuro gal ah maaha, Dhiiga iyo Xinjiraha sokeeyaha laguma dalaco darajana laguma gaadho, waxaan leeyahay raga noocaas ah, hadal waayeel waa guud mar, waana inay naftooda u caqli celiyaan, Xishoodaan, ILAHAY ka cabsadaan oo ay ka shaqeeyaan wanaaga Umadda.”

WABILAAHI TAWFIIQ.

GUUL BUUHOODLE.

 

GUUL SOMALILAND.

Wasiir Xamuud Xaashi Cabdi