Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo ka warramayey Adeegyo Cusub oo ay Madaarrada dalka ka hirgelinayaan oo qaarkood u qabsoomeen

Hargeysa, 12 April, 2012 (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka warbixiyey adeegyo cusub iyo mashaariic horumarineed oo ay ku soo kordhiyeen madaarrada dalka kuwaas oo kor loogu qaadayo adeegyada ay Madaarradu umadda u qabtaan.

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo warbaahinta ugu warramayey qofka VIP oo madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in sababta ay adeegyada Madaarrada kor ugu qaadeen uu la xidhiidho si ay ula tartami lahaayeen ulana jaan-qaadaan madaarrada caalamiga ah isaga oo xusay inay wax weyn ka qabteen ballaadhinta Teerminaallada iyo kobcinta bilicda garoomada iyada oo madaarka caasimadda lagu rakibay ayuu yidhi qalab lagu hubinayo dhinaca ammaanka  sida kamaradaha lagula socodo dhaq-dhaqaaqyada madaarka dhexdiisa iyo Shaashado lagu baadhayo Dadka Garoonka ka soo degeya ama ka dhoofaya iyo Alaabta ay sitaan kuwa ka dhoofaya .

Wasiirku waxa uu sheegay in qalabkan cusub wax ka tari doono sugidda ammaanka garoomada isla markaana habka wada-shaqayneed ee madaarrada laysku xidhay, tabobarro badan oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha madaarradana ay u qabteen.

Wasiirka Duulistu waxa uu sidoo kale sheegay in adeegyada muhiimka ah ee garoomada laga hirgaliyey ay ka mid yihiin shaybaadho lagu baadhayo laguna ogaanayo xaaladda caafimaad ee dadka garoomada ka soo degaya.

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ku hawlan tahay qorsheyaal hore loogu marinayo adeegyada madaarradu ay qabtaan si madaarrada dalku u buuxiyaan go’aamada iyo shuruucda madaarrada caalamiga ah.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland