Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Kulamo Muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowladda Turkiga

Ankara (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu ku sugan yahay kulammo muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo Hay’adaha Khayriga ah ee Turkiga, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan.

Wasiir Khaliil waxa uu la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Bisha cas ee Turkiga, Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee dowladda Turkiga, waxay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii bisha cas ee Turkigu gacan uga geysan lahayd caawimooyinka kala duwan ee Somaliland u baahantay. Sidoo kale Errgayga, ayay ka wadahadleen Wasiirka sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay wadahadallada iyo sida dhex-dhexaadnimada inuu ka istaago Turkigu wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya loogu baahan yahay.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO DHIGGIISA TURKIGA OO KULMAY

 

Madaxa Hay’adda amma Wakaaladda Waqafka iyo arrimaha Diinta ee dowladda Turkiga, ayuu la kulmay Wasiirku, waxaanay ka wadahadleen sidii ay wasaaradda Diinta ee Somaliland ay ugala shaqayn lahayn lahaayeen dhinaca horumarinta arrimaha wasaaraddu ka shaqayso ee horumarinta diinta iyo sidii macallimiinta barashada diinta ka shaqeeya dhinaca tabobbarrada iyo kor u qaadista aqoontooda Turkigu uga caawin lahaa Somaliland.

 

Dr. Ali Erbas oo booskiisu yahay Wasiirka Diinta Turkiga, waxa uu u ballan-qaaday Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, inay kala shaqayn doonaan tabobbarrada iyo horumarinta arrimaha Diinta iyo aqoonta guud ba, isla markaana ay Hay’adda arrimaha Diinta u qaabbilsan Turkigu Somaliland ka hirgelin doonto mashruuc cusub oo Diinta Islaamka iyo barashadeeda kor loogu qaadayo.

MADAXDA HAYADDA TIIKA EE TURKIGA IYO WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

Ballan-qaadkaas oo muhiim ah, ayuu uga mahad-celiyey Wasiirku Masuulkan iyo dowladda Turkigaba. Wasiir Khaliil, ayaa Madaxa Hay’adda awqaafta iyo arrimaha Diinta Turkiga ku marti-qaaday dalka Somaliland inuu yimaaddo, taasoo uu isaguna ka aqbalay, kana mahad-celiyey.

 

Wasiirka Diintu waxa kale oo uu kulan la qaatay Masuuliyiinta Hay’adda horumarinta mashaariicda iyo arrimaha bina-aadaminnimada u qaabbilsan Turkiga ee Tiika, waxaanay ka wadahadleen sidii ay u xoojin lahayd hay’addaasi mashaariicda dhinaca horumarka iyo caawimada ee ay Somaliland ka fuliso u xoojin lahayd, una kordhin lahayd mashaariicdeeda, iyaga oo madaxda hay’addu Wasiirka u ballan-qaaday inay kordhinayaan mashaariicda dhinaca horumarka iyo wax-tarka bulshada jilicsan ee ay Somaliland ka fulinayaan.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO LA FADHIYA MASUUL TURKEY AH

Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu kulan la qaatay Dr. Khalid Irin Guddoomiyaha Hay’adda Dhaqanka, Taariikhda iyo Cilmi-baadhista Islaamka ee dalka Turkiga, waxay ka wadahadleen sidii ay Hay’addaasi arrimaha ay Turkiga u qaabbilsantay ay uga taageeri lahayd Somaliland, kuwaas oo ballan-qaaday inay Somaliland ka fulin doonaan mashaariic hor leh oo la xidhiidha horumarinta barashada culuumta Diiniga ah iyo Qur’aanka Kariimka ah.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILLAND IYO MADAXA HAYADDA HORUMARINTA TURKIGA

Dhammaan kulammadaasi waxay ku soo dhammaadeen is-faham iyo is-afgarad buuxa iyo ballan-qaadyo la xidhiidha wada-shaqayn fiican oo la sii wado. Gebogabadii Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaa Shahaado-sharaf uu ku maamuusay guddoonsiiyey Guddoomiyaha Basha Cas ee Turkigu.