Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Dhagax-dhigay Dhismaha Masaajid iyo Xarun Waxbarasho oo laga hirgelinayo Degamada Axmed-Dhagax

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa maanta dhagax dhigay masjid iyo dugsi laga hirgalinayo xarunta degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargaysa.

Wasiirka Awqaafta oo ay wehelinayeen madaxda hay’ada waxbarashada ee Geeska Afrika, qaybta Markiska ayaa ka kooban afar qaybood oo lagu baran-doono dawaarka, culuumta kombuyutarka iyo cunto karinta.

 

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay dhismahan la rabo in laga bineeyo goobtii hore loo odhan jiray Hanuuninta ee xaafaddii Iftin oo hadda loo bixiyey Axmed-Dhagax, isla markaana ku talo-galku yahay in lagu barto culuumta kala duwan. Wasiirka waxa uu xusay in markii dalka lagu soo noqday sannadkii 1991-kii inuu isagu jiingada saaray dhismahan oo dunsanaa laguna baran jiray Qur’aanka Kariimka ah.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaaftu waxa uu bulshada u soo jeediyay in maadama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan ay xoogga saaraan waxyaabaha khayriga ah ee ajarka laga helayo.

Madaxa Mashaariicda ee Hay’ada Geeska Afrika Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Cige, ayaa madashaas ka sheegay in hay’ad ahaan ay ku hawlan yihiin mashaariicda samo-falka ah, waxaanu xusay in Markiskani uu qayb weyn ka qaadan doono kor u qaadka waxbarashada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net