Wasiirka Diinta ee Somaliland oo Shaaciyey in Ciidal-fidrigu ku beegan tahay Maalint Sabtida

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay meelo ka mid ah Somaliland laga arkay bisha, sidaa awgeed maalinta Sabtida Salaadda Ciidul-fidriga la tukan doono.

Wasiir Khaliil oo Caawa Warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay qaabka loo tukan doono Salaadda Ciidul-fidriga, maaddaama oo Dhakhaatiirtu ku taliyeen inaan goobihii lagu tukan jiray la isugu iman, guddiga heer Qaran ee ka hortagga xanuunka Covid-19 ee Somaliland-na go’aanno ku soo saareen in guryaha lagu tukado Salaadda Ciidda.

Dhinaca kale, Dowladda Sucuudi Carabiya, ayaa shaacisay in maalinta Axadda ah oo ku beegan 24-ka Bisha May loo dabbaal-degi doono Ciidal-fidriga.

Waddamada Imaaraadka Carabta, Ciraaq, Urdun iyo Qatar, ayaa iyaguna shaaciyey in maalinta u dambaysa ee Ramadaan tahay Sabtida Berri, maalinta Axadda ahna la tukan doono Salaadda Ciidal-Fidriga.