Wasiirka Dib u dejinta oo Kulan la qaatay Maamulka iyo Dadweynaha Gobolka Salal, una ballan-qaaday in Xukuumaddu wax kala qabanayso Dhibaatooyinka Abaarta

Saylac (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa maanta kulan ballaadhan la yeeshay maamulka, degmada iyo dadweynaha deegaanka Saylac ee Gobolka Salal.

Kulanka oo ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Salal oo ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada, taliyayaasha ciidanmadaiyo dadweyne kale, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Duqa degmada Saylac Maxamed Cumar Xaddi (Cawad) waxuuna ka warbixiyey xaaladda dhinaca abaarta iyo biyaha ee deegaankaasi ka taagan taasoo uu ku tilmaamay inay dhibaato ku hayso dadka iyo xoolaha gobolka ku nool.

 

Xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee degmada Saylac Yaasiin Cabdilaahi Digeed, Gud/Xigeenka Degmada saylac Cismaan Muumin Dhimbiil, taliyaha Booliska Maxamed Cabdi Axmed , maamulaha kastamka Cismaan Cumar caalin, iyo isuduwayaasha Biyaha iyo kaluumaysiga ee gobolkaasi ayaa iyaguna hadalo ay ka jeediyeen kulankaasi waxay ku dheeraadeen xaaladda abaareed ee ku barraahsatay gobolkaasi oo ay u dheer tahay biyo la’aan soo food saartay .

Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Mudane Cabdirisaaq cali Cismaan ayaa isna la hadlay dadweynahii kulankaasi isugu yimid waxana uu sheegay inay xukuumadda dhexe ka garaabayso dhibaatadu inta ay le’egtahay indhihiisana uu ku arkay duruufta ka taagan gobolka, isagoo wasiirku sid oo kale u ballanqaaday dadweynaha gobolkaasi in warbixinta uu helay uu si degdeg ah u hor dhigi doono golaha xukuumadda Somaliland.

Dhanka kalena mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Abaanduulaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Cabdiraxmaan xasan Cali, Maareeyaha dekedda Saylac Siyaad Daahir Camuud, taliyaha laanta socdaalka ee Degmada Naasir xasan Geelle oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xafiiska socdaalka ee degmada saylac ayaa waxay beeniyeen war xalay ka baxay mid ka mid ah Telefishinada Dalka ka hawlgala oo sheegayey in tahriibayaal lagu qabtay xeebaha Saylac, waxana ay mas’uul’iyiintani dhamaantood cadeeyeen in warkaasi yahay mid wax kama jiraan ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

SLpost News/Hargeysa