Wasiirka Dhalinyarada iyo Dalxiiska oo Magacaabay Guddida Xidhiidhada Ciyaaraha Somaliland

Cali Siciid RaygalHargeysa (SLpost)- Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md Cali Siciid Reygal, ayaa si kumeel gaadh ah u magacabay Guddida xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland oo kala ah xidhiidhka Kubadda Cagta, Xidhiidhka Kubada Kolayga iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, kuwaas oo guud ahaan ka kooban 10 xubnood.

War-saxafadeed wasiirku ka soo saaray xaafiiskiisa, ayaa lagu sheegay in Guddigani muddo hal sano ay xilka u hayn doonaan si ku meel gaadh ah inta laga samaynayo xeerar iyo shuruucdii lagu hagi lahaa Xidhiidhada ciyaaradaha Somaliland.

War-saxaafadeed ayaa u qornaa sidan: “Markaan arkay baahida loo qabo gudidada Xidhiidhada, kadib markii aan ogaaday inay taagan tahay xiligii lahawl galin lahaa Gudidada Xidhiidhada Somaliland; markaan xaqiiqsaday in ay lagama maarmaan tahay gudidada xidhiidhadu inay shaqayso; kadib markii aan latashaday cid kasta oo lagama maarmaan u ah hawshan; markaan tixgaliyay waayo aragnimadooda, kartidooda iyo dacadnimadooda waxaan si kumeel gaadh ah u magacabay xubnaha gudidada xidhiidhada Kubada Cagta, Kolayga iyo Ciyaraha Fudud ee Somaliland oo ka kooban 10 xubnood waxaanay kala yihiin sida tan:

Xidhiidhka Kubada Cagta:

1: Cabdilahi Khayre Cawale (Gacal), Gudoomiye

2: Mohamed Cumar Cabdi, Gudoomiye Ku xigeen;

3: Axmed Maxamed Shire (Sacad), Xoghaye.

Xidhiidhka Kubada Kolayga:

1: Maxamuud Xassan Cabdilahi (Qodax), Gudoomiye

2: Cabdiqani Ibraahim Raage, Gudoomiye Ku xigeen

3: Mahdi Cabdi Yusuf

Xidhiidhka Ciyaraha Fudud:

1: Mustafe Cali Nuur, Gudoomiye;

2: Cismaan Cali Xuseen, Gudoomiye ku xigeen;

3: Safiya Cabdilahi Ibrahim, Gudoomiye ku xigeenka 2aad;

4: Mustafe Cabdi Xaddi, Xoghaye.

Guddigani waxay si ku meel gaadh ah u shaqayn doonaan muddo hal sano ah oo kabilaabmaysa taariikhda waraaqdani soo baxday oo ah inta laga diyaarinayo shuruucda iyo xeerarka lagu hagi lahaa ciyaraha Somaliland.”

Waxaa ka soo wareegtay kudhawaad bil, markii uu wasiirka ciyarahu si kumeel gaadh umagacabay gudidada Olompikada Qaranka oo ka kooban 5 xubnood.

Somalilandpost.net