Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo Xilka la wareegay, Xaabsade oo dhaliilay hab-dhaqanka Saxaafadda Xorta ah, wasiirka cusubna kula dardaarmay inuu xannaaneeyo

Hargeysa, 19 March, 2012 (SLpost)- Munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta JSL isla markaana ah Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane axmed cabdi Xaabsade iyo wasiirka Cusub ee wasaaradda W/wacyigelinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa Maanta  ka qabsoontay Xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Munaasabadaasi oo ay soo xaadireen mas’uuiyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay xafladaasi ayaa u soo jeediyey wasiirka cusub inuu ogaado xuquuqda shaqaalaha wasaarada oo ah shaqaale shaqeeya 18 saacadood.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta iyo Wacyigelinta Faysal Cali Sheekh ayaa faahfaahin dheeraada ka bixiyey hawsha wasaarada waxana uu ugu horayn mahadnaq u jeediyey wasiirkii hore ee wasaaradda oo uu ku tilmaamay inuu wax weyn ka qabtay hawshii wasaarada iyo sidoo kale hawl;galada Gobolada bari ee Somaliland.

Isagoo sharaxayey qaabka shaqaalaha wasaaradda waxa uu Agaasimaha guud sheegay in la kordhiyey aqoonta iyo tayada shaqaal;aha isla markaana laga wada dhigay shaqaale joogto ah, Waxaanu Xusay inay Telefiishanka Qaranka ee SLNTV ay gaadhsiiyeen in laga daawado Qaaradaha Yurub,Ameerika,waxaa kale oo uu cadeeyay in mudo laba bilood ku siman ay dalka ku soo gaadhi doonto Idaacadii Weynayd oo awoodeedu tahay Boqol Kilo Wat.

Agaasimaha guud waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan afar luqadood ay baahiso warbaahinta qaranku, hadana la wado mashruuc balaadhan oo lagu habaynayo laguna dayactirayo Studio-yaasha waaxyaha wasaarada.

Faysal Cali Sheekh waxa uu Xusay in wasaarad ahaan xidhidh ay la soo yeesheen wasaaradaha warfaafinta ee wadamada deriska inala ah sida jabuuti iyo Itoobiya, saxaafada madaxa banaan iyo hay’adaha shaqaalaha

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ku soo dhoweeyey wasiirka Cusub shaqada wasaarada, sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha JSl uga mahadceliyey inuu wasaaradan keenay shakhsi aqoon fiican u leh.

Wasiirku waxuu sheegay in saxaafadda Somaliland ay xor tahay laakiin qaabkeeda shaqo aanu ahayn mid ka turjumaya macnaha loo yaqaano saxaafad xor ah ama madax banaan. Taasina ay keentay buu yidhi Mudane xaabsade in Saxaafadda madaxa banaan ay mararka qaarkood kashifaan xogta dawlada oo ay ugu horayso Sirta Ciidamadu.

Wasiirku waxa uu ka hadlay qaabka ay wasaarad ahaan ugu amreen warbaahinta qaranka inay dhexdhexaad ka noqdaan baahinta, isagoo tusaale u soo qaatay wargayska Dawan Media oo uu ku sheegay mid soo bandhiga Khaladka ay Xukuumadu gasho ama iyada lagu sameeyo taas oo sabab u noqotay ayuu yidhi  inuu dhexdhexaadnimada uu muujiyay darteed uu haatan ka mid noqday Wargaysyada aadka loo akhristo, Wasiirkii Hore ee Warfaafintu haatana ah Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu ku amaanay Gudoomiyaha Wargayska Dawan Media Group iyo Shaqaalihiisuba dadaalka ay sameeyeen .

Mudane Xaabsade waxuu kula dardaarmay wasiirka cusub inuu ka war hayo warbaahinta qaranka oo ay haysato dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, taasoo ka hor taagan inay gaadho himaladeeda, waxaa kale oo uu sheegay in Shaqaalaha Wasaaradan ka hawl gala ay yihiin dad dhalinyaro u badan isla markaana aan haysan Waxyaabo badan oo Shaqada u fududayn lahaa.

Wasiirka  Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacy-gelinta   Mud, Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe, oo  Isna  halkaasi ka hadlay ayaa cadeeyay inaanu Wasaaradan u iman inuu ka shaqaysto Ama Guryo ka dhisto , hase ahaatee waxa uu Wasiirku imaatinkiisa ku tilmaamay mid la xidhiidha Gurmad, Waajibaadkii Qaaxo ee Halgankii  hubaysnaa ee Xoraynta dalka .

Mudane Boobe Yuusuf Ducaale waxa kale oo xusay in  Madaxweynaha JSLand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud xilkan  u gartay isaguna uu ka aqbalay, anoo aaminsan ayuu yidhi inay Waajib tahay in  Qaranku cid kastoo uu xaq ku leeyahay  loogu yeedho Gudashada Mas’uuliyada ka saran dalkiisa.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf ducaale, isaga oo ka hadlayey waajibaadka shaqo ee hor yaala  waxa uu ballan qaaday  in waajibaadkeena shaqo iyo Mas’uuliyada ina saaranba loo gudan doono si wadaag  iyo wada jirba ah, Waxa uu Wasiirku Cadeeyay in Shakhsiyan uu la hawl geli doono qaybaha Wasaarada isaga oo cid gaar ah tunka ku sidan,cidna kalena aan lagu takoorayn.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafintu waxaa kale oo uu iftiimiyay  inuu  awooda saari doono daryeelka shaqaalaha iyo agabka wasaaradda ku hawl gasho, isagoo ilaahay ka baryay inuu ku Guuleeyo Xilkan loo dhiibay .

Mudane Cabdi Yuusuf  Ducaale, waxa  uu ugu  baaqay saxaafadda  madaxa bannaan in si wada jir ah oo wadareed loo wada hawl galo, iyadoo Maanka lagu hayo ayuu yidhi inaan la kala maar-min Isla Markaana ay Wasaaradan iyo Qaybaha kale ee Warbaahintu ay isu yihiin mataano is-hurran oo aan meel kala tagi Karin ,Wasiirku wuxuu intaa raaciyey in  Somaliland ay Maanta u baahan tahay   war-baahin midaysan  oo feejigan.

Gaba gabadii Munaasabadaasi ayaa Wasiirkii Hore ee Warfaafintu ahna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu si rasmi ah ugu wareejiyay Xilkii Wasaarada Warfaafinta Wasiirka Cusub ee loo soo Magacaabay Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” markaas kadib Waxay labada Wasiir oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu iyo Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradu ay soo kormeereen Qaybaha ay Wasaarada Warfaafintu ka kooban tahay halkaas oo  ay Xogwarano kaga dhagaysteen Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaarada.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland