Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo Warqad is-casilaad ah u gudbiyey Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa, 14 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ka tirsanaa Masuuliyiin cusub oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay xilal kala duwan, ayaa golaha wakiillada u gudbiyey  Warqad Iscasilaad ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale ayaa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada u gudbiyey warqad uu iskaga casilay xilkii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo xubinnimadii golaha Wakiillada, Isla markaana waxa uu Xildhibaannada Wakiillada ka dalbaday inay ka aqbalaan is-casilaadda uu u gudbiyey Shir-guddoonka Wakiillada, gaar ahaan Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Waxaanu qoraalkaasi uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale isku casilay oo koobnaa u dhignaa sida: “Waxaan idinla socodsiinayaa, Anigoo ah Md. C/Casiis Maxamed Samaalle inaan maanta oo Arbaca ah oo taariikhdu tahay 14.03.2012 iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo xubinimaddii Golahaba. Waxaan Golaha ka rejaynayaa inay aqbali doonaan is-casilaaddayda. Waxaan si weyn ugu mahad-naqayaa shir-guddoonka iyo dhammaan mudaneyaasha Golaha Wakiillada JSL oo aan muddo dheer wada shaqaynaynay”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay inay isti-qaaladdan u gudbin doonaan Goleweynaha Wakiillada, si Mudanayaasha goluhu u aqbalaan, isla markaana u ansixiyaan is-casilaadda Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee hore ee Wakiilla Md. Cabdicasiis Samaale.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland