Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha oo si Rasmi ah Xilka ugala Wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaraddaas iyo Nuxurka Khudbadihii ay jeediyeen

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa maanta si rasmi ah Xilkii Wasaaradaasi ugala Wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur.

Munaasibad balaadhan oo Xil wareejin ahayd laguna qabtay Xarunta Wasaaradaasi waxaa ka soo qayb galay,Wasiir ku Xigeenada Wasaaradaasi,Agaasiamaha Guud ee Wasaaradaasi, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Ilaalada Xeebaha, Madax dhaqameed, Xildhibaano ka Tirsan Golayaasha Qaranka iyo Marti Sharaf kale .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland C.samad Cumar Maal ayaa Warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa waxa uu kaga waramay Waxyaabihii Wasaarada Arrimaha Gudaha u Hirgalay Mudadii uu Xilkeeda hayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur.

xilwareejinta Daakhiliga (1)Wasiir ku Xigeenka Amniga Mudane C.laahi Abokor Cismaan iyo Wasiir ku Xigeenka dhinaca Maamulka Gobolada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa ka waramay Mashaariic kala duwan oo Wasaaradu Hirgalisay, Waxaa kale oo ay Tilmaan ka bixiyeen Xidhiidhka Shaqo ee ay la Leeyihiin Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka iyagoo intaas ku daray inay soo dhawaynayaan Wasiirka Cusub isla markaana ay si qalbi furan ah u sii sagootinayaan Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan iyo Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa Tilmaamay isku xidhnaanta Shaqo ee ay la Wadaagaan Wasaarada Arrimaha Gudaha waxaanay intaas raaciyeen inay Muhiim tahay sidii xil weyn la isaga saari lahaa Sugida Nabadgalyada.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo Madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu Sheegay inuu Xilkan u gartay isla markaana uu si niyad samaan ah maanta u wareejinayo,Mudane Duur Waxa uu Xusay in Wasaaradan Shaqadeedu ay tahay Mid Culus isla markaana ay Waajib tahay sidii loogu garab geli lahaa Mas’uulka Cusub ee Xilkan kala wareegay .

Wasiirka Xilka Wareejiyey Md Duur waxa uu iftiimiyey culayska masuuliyadda Wasaaradda Daakhiliga ee uu sannadihii u dambeeyey madaxda ka ahaa, qaybaha kala duwan ee maamul ahaan hoostaga wasaaradda iyo isku-duubnimada ay madaxda iyo shaqaaluhu kaga gudbeen waajibaadkii saarna, waxaanu yidhi, “Waxaan wareejinayaa ammaano culus iyo adeeg culus, ammaanka qaranku waa aas-aaska nolosha dhamaanteed oo amniga waynu wada leenahay. Himilo ayaanu lahayn aanu hiigsanaynay, waxaanay u baahan tahay in halkii laga qaado oo la sii wado, haddii aanu wax ka gaabinaynay waxa uu Masuulka cusub-na Madaxweynuhu u doortay inuu der-der galiyo oo uu halkii ka sii dhaqaajiyo.”

xilwareejinta DaakhiligaMaxamed Nuur Carraale waxa uu soo qaatay duruufihii ay ka dhaxleen dedaalladoodii wax-qabad iyo Guulaha ay ka gaadheen, waxaanu yidhi, “Waayo-adag ayaa igu soo maray Wasaaraddan, oo duruus iyo cibro ayaan kala kulmay oon ka bartay. Waxay iigu jirtaa baal dahaba. Dacallada Somaliland ilaa Bari ilaa Galbeed ayaan bulshada degta cid walba hor-fadhiistay anigoo nabad iyo wanaag doonaya, casharo ayaanan ka bartay dhaxal ii noqon doona. Waxay i dhaxalsiisay ayaan idiin sheegayaa oo ah inaan nabadda dhawro. Waxay kale oo i dhaxalsiisay inaan danta dhawro iyo inaan masuulka dhawro cidkasta oo uu yahay-ba. Dantu waa quraarad oo way jabaysaa, in la dhawro ayayna u baahan tahay. Qaranka Somaliland-na waa Qaran daciifa oo dhawr iyo labaatan sanno soo jiray, laakiin halkii la doonayey wali muu gaadhin oo muddadaas dheer waa raad-barad dhaqaaluhuna waa waxyar. Markaa adeegaha danta guud ilaalinaya in loogu duceeyo mooyee tur-tuur uma baahna. Guusha adeegayaasha danta guud oo ah Masuuliyadda Qaranka, waa guusha Qarankan, Fashilkoodu waa fashilka Qarankan, Ummaddana waxay ka sugayaan taageero, laakiin waxaan runtii qirayaa in shacabka reer Somaliland yihiin shacab wanaagsan.”

xilwareejinta Daakhiliga (3)Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo Gaba gabadii Munaasibadaasi hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku talo jiro Sidii Xooga loo saari lahaa adkaynta Nabadgalyada .

Mudane Warancade Waxa uu Xusay inuu ku dadaali doono Sidii uu Wada tashi ula yeelan lahaa Qaybaha Bulshada Waxaanu Xusay inuu dhawri doono Xoriyatul Qawlka,Madaxbanaanida Saxaafada,Xuquuqul Iinsaanka isagoo intaas ku daray in dhawaan Magaalada Hargaysa Meel walba ay ka hirgalin doonaan Laydhka Nabadgalyada.

Md Cali Maxamed Waran-cadde oo ugu horreyn ka hadlay dareenkiisa ku aaddan xilka madaxweynuhu u magacaabay iyo miisaanka uu leeyahay oo uu madaxweynaha uga mahad-celiyey inuu gartay, waxaanu ballan-qaaday inuu ka shaqayn doono xasiloonida dalka,  waxa uu yidhi, “Xilkan uu Madaxweynuhu ii igmaday waa xil aad iyo aad u ballaadhan oo si toosa u saamaynayaa bulshada reer Somaliland. Waxaan doonayaa inaan halkan uga mahad-celiyo Madaxwenaha ii gartay Xilkaas ballaadhan inaan la garab-galo oo aan kala shaqeeyo si dalkeenu u gaadho nabad iyo xasilooni.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxa uu amaan iyo mahadnaqba u diray Wasiirkii isaga ka horeeyay oo wax badan ka soo qabtay Wasaarada Arrimaha Gudaha.