Wasiirka Cusub ee Arrimaha Debedda oo Maanta si weyn Hargeysa loogu soo Dhaweeyey, Shacabka iyo Qaybaha Siyaasaddana Codsi u Qaddimay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan u magacaabay xilka Wasaaraddaas, ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Md Maxamed Biixi oo ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, waxa soo-dhawayntiisa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumada, Guddoomiyaha Xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, Xildhibano ka tirsan labada Gole, Maayarka Caasimada iyo Mudaneyaasha Golaha degaanka ah, Madax-dhaqameed iyo Dad wayne aad u tiro badan.

maxamed biixiWasiirka cusub ee Arrimaha Debadda oo Qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta, ayaa shacabka Reer Somaliland ugu baaqay in laga midaysnaado siyaasadda arrimaha debadda ee Ictiraaf-doonka Somaliland, waxaanu u mahad-celiyey Dad waynaha sida balaadhan ugu soo dhaweeyay Caasimada.

“Aad iyo aad ayaan idinku mahad-naqayaa madaama aad dhulkaygii Hooyo igu soo dhawayseen oo aan ku soo noqday inaan u shaqeeyo. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadiisa, Labada Gole, Culumo Aw-diinka, Saladiinta, Cuqaasha iyo Bulshada Reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan dhamaantood waan u mahad-naqayaa iyadoo lagu jiro Bishii Ramadaan,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha debadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.

maxamed biixi2Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland waxa uu Shacabka iyo Qaybaha siyaasadda ee dalka ka codsaday inay ku gacan-siiyaan Hawsha Qaran ee masuuliyaddeeda loo igmaday, “Waxaan idinka baryayaa inaad igu gacan qabataan, waayo waa hawl culus oo Ummadda u taala, markaa waa inaynu ka midaysnaano markay noqoto arrimaha waddanka iyo arrimaha Qaranka, arrimaha Ictiraafka, gooni isu-taaga haddaynu nahay Mucaarad iyo muxaafad-ba. Waxa kale oo aan halkan uga mahad-celinayaa Warbaahinta Dalka,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland waxa uu sheegay inuu istiqaaladda xilkii uu ka hayey Qaramada Midoobay uu u gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM, Waxaan iska soo casilay Caawiyaha Xoog-hayaha Qaramada midobay, waxaana I magacaabay baaki-muun,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET