Wasiirka Ciyaaraha oo Reer Burco U Balanqaaday In Garoonka Kubada Loo Dhigi Doono Roog, Lagana Rabo In Aan Sanadkan Qabyaalad Lagu Karin

 

Hargyesa(SLpost)-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa dhalinyarada Burco u balanqaaday in sanadkan roog loo dhigi doono Garoonka weyn ee kubada cagta, waxaanu ka codsaday in sanadkan ay ka dheeraadaan arimaha qabyaalada oo ay koobka gobalada qaybtooda si fiican u marti galiyaan,waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxaanu aad ugu faraxsanahay in nalagu macsuumay aniga iyo wasiirka duulista labada kooxood ee City Plaza iyo Duulista Hawada oo ciyaaray ciyaar saaxiibtinimo, waxaanay ku tusinayaa in aanay waxii Burco laga sheegi lahaa aanay waxba ka jirin oo arintaasi dhamaatay, waa meel nabadeed oo aanay qabyaaladi ka jirin, waxaanu balan ugu qaadaynaa in sanadkan aanu u dhigno roogii si aanay mardanbe jilbuhu u murxin,waxa marti idiin ah todobo gobal waxaana la eegayaa sida aad u marti galisaan,waxii yaraa ee laydinku sheegi jiray ee shiidka waa inaad maanta masaxdaan.”