Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo ka digay Khatarta ka dhalan karta Kalsooni-darro loo muujiyo Garsoorka Dalka

Xuseen Axmed Caydiid

[H]argeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa shacbiga Somaliland uga digay inaanay Sharciga gacanta ku qaadan isla markaana meel adag iska taagay falkii shalay subax lala beegsaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Maxamed Maxamud “Duraan”.

Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka oo Xafiiskiisa ugu Waramayay Warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii toogashada ahayd ee lagula kacay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex  oo uu ku sifeeyay dagaal ka dhan ah bah’da Garsoorka ee Somaliland.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu xusay in dhacdadaasi aanay hore uga dhicin gobolada Somaliland marka laga reebo sida uu sheegay gobolka Sool xaruntiisa Laascaanood,Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka waramay marxaladaha ay maraan kiisaska ay maxkamaduhu ka garnaqaan,isagoo iftiimiyay in hadii mid ka mid ah dhinacyada dacwadu u dhaxayso uu ku qanci waayo uu xaq u leeyahay uu racfaan u qaadanayo maxkamada racfaanka,hadii ay taasi gar siin weydana uu u gudbi karo Maxkamada Sare,waxaanu wasiirku intaas ku daray in qofka intaas ku qanci waaya uu hadana sharcigu u ogol yahay inuu Maxkamada Sare ka codsado dib u yeedhin kiiskiisa ku saabsan,Wasiirka Cadaaladu waxa uu sheegay in khasab aanay ahayn in afartaas darajo ay dacwaduhu maraan.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu xusay  in falkii shalay dhacay loo tirinayo inuu ku lug leeyahay xukuno maxkamadeed,isla markaana waxyeelada la soo gaadhsiiyay ay ku timid go’aan uu ka garnaqay, maadaama ay tahay mas’uuliyada uu ummada u hayo.

Wasiirka Cadaaladu waxa uu jawaab ka bixiyay fikrado khaldan oo laga faafinayay Garsoorka dalka,lagana dhigayay sida uu sheegay mid aanay ummadu aamini Karin taas oo uu ku tilmaamay aragtiyo xaaraan ah.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu ku dooday in wixii dhaliil ah ee laga tirsado bah’da garsoorka la heli karo dariiq kale oo lagu saxo, isagoo xusay in Kow iyo Labaatan Sanadood aynu ku soo jirnay Gufaynta wixii Gal daloolo ah ee Garsoorku leeyahay.

SOMALILANDPOST.NET

Webmaster@somalilandpost.net