Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Xarun Caafimaad u dhagax-dhigay Deegaanka Dacar-Macaan

Dacar-macaan(SLpost)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed ayaa Shalay Dhagax dhigay Xarun Caafimaad oo laga hir-geliyay Deegaanka Dacarta oo ilaa 60KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Caasimadda Hargeysa.

Mashruucan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ay dawladdu kaga jawaabto Qaylo dhaan dhawaan ka soo yeedhay Bulshada deegaankaasi oo cabasho ba’an ka muujiyay baahiyo ku saabsan adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, nabad-gelyada, Biyaha iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah ee awooddooda wax qabsi ka baxsan, ayaa lagu dhagax dhigay munaasibad balaadhan oo deegaankaasi lagu qabtay.

Waxa Munaasibadaasi ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan oo dawladda ka socda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Maareeyaha Hay’ada Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP Yuusuf Cismaan Garas , Maareeyaha Hay’adda Korantada dawladda Axmed-yaasiin Aw-maxamed Jaamac, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiyaha Degmada Faro-weyne, Madax-dhaqameedyo, Culimo awdiin, Maamulka Deegaankan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Salebaan Ciise Axmed oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Wasaaraddiisu mashruucan maal-gelinayso, isla markaana ay kaga jawaabayso baahiyaha bariinsaday deegaankan “Xaruntan Caafimaad ee maanta aynu dhagax dhigaynaa wuxuu ka yimi baahiyaha Caafimaad ee ka jira deegaankan dacarta, waxaan Ilaahay ka baryayaa inaynu ku guulaysano dhamaystirkiisa”ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaanu intaasi ku daray “Deegaankan oo sida lay sheegay ay ku nool yihiin sideed boqol oo qoys in ka badan oo aan haysan adeeg caafimaad waa arrin aad u culus oo u baahan in wax loo qabto, sidaasi darteed waxaanu ku dedaali doonaa inaanu si dhakhso ah u dhamaystirno.

“waxaan kula dardaarmayaa dadka deegaanku inay xarunta uga faa’idaystaan si wanaagsan inshaalaah marka la dhamaystiro”ayuu Wasiirku hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare ayaa sheegay inay Gobol ahaan dareensanyihiin deegaanka baahiyaha yaala, isla markaana soo dhaweynayaan mashruucan caafimaad ee wasaaradda Caafimaadku bilowday.

Dhinaca kale, waxa munaasibadaasi ka hadlay, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka), waxaanu wasiirka Caafimaadka uga mahad naqay fal celinta wasaaradiisu kaga jawaabtay cabashadii bulshada ka soo yeedhay, isagoo dhinaca kale, Hay’adaha kale ee Dawliga ah iyo kuwa samo-falka ee dalka ka shaqeeya ugu baaqay inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira sida waxbarashada oo aanay bulshadu haysan Dugsi waxbarasho oo ku filan, biyaha oo aanay helin wax ka sokeeya Dhibicda cirka iyo xarumo bilays.

“Deegaankan waa deegaan balaadhan, waa deegaankii layga soo doortay, anigoo ah xildhibaan ka soo jeeda Xisbiga kulmiye, xisbiga Kulmiye balanqaadyadiisa wax aka mid ahaa in dalka tuulo min gobol la gaadhsiiyo horumarka oo wax laga qabto,markaa waxaan leeyahay deegaanka dacartu wuu ka qatanyahay, waxaan leeyahay waa in dadkan wax loo qabtaa”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xaglotoosiye

Xildhibaan Wadka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “halkan waxa ku yaala Dhaam Biyood oo qabyo ah, dhaamkaasi waxa uu ka mid ahaan mashruuc todoba dhaam oo biyo xidheen ah loogu qadayo dadka, waxa la bilaabay bishii april ee sanadkii 2012-kii, ilaa hada waa qabyo oo dadku biyo kama helin, dhaamkaasi dawladda iyo Hay’adaha ku shaqada leh waxaanu ka doonaynaa inay ceelkaa dhamaystiraan, waxa kale oo aan xukuumadda ka codsanayaa in dadka deegaanka goobo waxbarasho oo ku filan loo dhiso, rug boolis loo sameeyo, dhamaan Baahiyaha ka jira waxaan ugu baaqayaa dawladda in wax laga qabto oo wax laga siiyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda”.

Suldaan Axmed Daahir Muuse oo isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay, ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahad celiyay dhismaha xarunta caafimaad ee la dhagax dhigay, waxaanu Dawladda ka dalbaday in deegaankan wax loo qabto, isla markaana ka jawaabto cabashada ka soo yeedhay bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Faro-weyne Faysal Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Deegaanka Dacar macaal Cabdi Rows, Cuqaal iyo xubno ka mid ah waxgaradka deegaankaasi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay Wasiir xaglo-toosiye iyo wasaaradiisa, oo ay ku amaaneen ficilka uu kaga jawaabay dareenkii hore uga soo yeedhay.

Xubnahan ayaa sidoo kale, ku dooday inaanay degmo ahaan baaxada ay le’eegyihiin iyo waxqabadka ay dawladda ka helaan is lahayn, taasoo ay ku tilmaameen gaabis laga gaabiyay, loona baahanyahay in wax laga bedelo.

Waxay xubnahani si gaar ah uga cowdeen qabyada Dhaam biyoodka loogu talo galay deegaanka oo ay dawladda ka codsadeen inay dabagasho, sababta hakisay dhamaystirkiisa “Mashruucan qodista dhaamka waxa qandaraas ku qaatay oo waday Urur la yidhaahdo Hawo Group, ilaa hada war kama hayno sababtay u joojiyeen, waanan ka daba tagnay jawaabaanan ka sugaynaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Faro-weyne oo isna halkaasi ka hadlay.

Deegaanka Dacarta oo ka mid ah Deegaamada hoos yimaada Degmada Faro-weyne ee Gobolka maroodi-jeex ayaan hore looga samayn wax xarumo caafimaad ah tan iyo markii dalka la soo galay, waxaanay sidoo kale ka aradantahay adeegyada Bilayaha, Waxbarashada oo aan haba yaraatee waxba laga qaban 23-kii sanadood ee somalilan.

Tuulada Deegaankan laga maamulo ayaa Bulshada ku nool oo kaashanaya xubno qurbo jooga ah ay sanadkii 2008-dii ka dhisteen Dugsiga ka kooban saddex Fasal oo yar yar, kuwaasoo ay hada wax ku bartaan boqolaal Arday oo ilaa Fasalka Shanaad ka kooban, kuwaasoo labadii fasalba qol qudha wax ku wada dhigtaan duruufta yaraanta Dugsiga awgeed.

Somalilandpost.net

Dacar-macaan