Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Buuhoodle oo uu ka furay mashaariic Xukuumaddu ugu talo-gashay adeegyada bulshada

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Buuhoodle oo uu ka furay mashaariic Xukuumaddu ugu talo-gashay adeegyada bulshadaBuuhoodle (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed-kaar (Xagla-toosiye) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle, halkaas oo gaadhsiiyey mashaariic xukuumaddu ugu talo-gashay horumarinta adeegyada bulshada ee deegaankaas.

HALKAN KA DAAWO.

Socdaalka Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku gaadhay magaalada Buuhoodle, ayaa noqonaya kii ughu horreeyey ee uu deegaankaas ku gaadho tan iyo intii uu ka mid ahaa golaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku biiray dabayaaqada sannadkii 2012-dii wakhtigaas oo waan-waan iyo heshiisiin lagu soo af-jaray colaado deegaankaas ka socday.

Wasiir Xagla-toosiye oo deegaan ahaan u dhashay gobolka Buuhoodle, ayaa hoggaamiye u ahaa kooxdii SSC ee dagaalka jabhadaynta ah kaga soo horjeedday xukuumadda Somaliland, wakhtigaas oo dagaallo ciidanka Qaranka iyo malleeshiyo-beeleedyo deegaankaas ka tirsan ku dhexmaray gobolka Buuhoodle.

 SOMALILANDPOST.NET