Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Safar Shaqo ku tagay Laascaanood si wayna loogu soo dhaweeyey

Laascaanood(SLpost)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Sool ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood, waxaana uu dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Mac-hadka caafimaadka ee Gobolkaasi.

xaglotoosiye

Wasiirku waxa uu kulan la qaatay maamulka gobolka iyo ka degmada Laascaanood isagoo kormeer ku soo maray, xarunta dawladda hoose, dhismaha cusub ee Xukuumadda Somaliland u dhistay jaamacadda Nugaal, cisbitaalka guud ee laascaanood, iyo xarumaha kale ee caafimaad ee halkaasi ku yaalla isagoo warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada ka hawlgala goobahaasi.

Munaasabadda uu Wasiirka caafimaadku ku dhagax dhigayey dhismaha mac-hadka caafimaad ee magaalada laascaanood waxaa goob joog ka ahaa Badhasaabka gobolka Sool Md. Maxamed Faarax Aadan, mayorka magaalada laascaanood C/qaadir jaamac Saalax, saraakiisha ciidamada, waxgarad ka tirsan dadweynaha deegaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Somalilandpost.net

Laascaanood