Wasiirka Caafimaadka oo Qurba joogta Degmada Geedbalaadh ee Wadamada Holland iyo Jarmalka oo ku Hambalyeeyay Dhagaxdhiga MCH-k Degmada Geedbalaadh iyo Waxqabadkiisa.

Frankfort (SLpost ) Qurbajoogta Somaliland ee Wadamada Holland iyo Germany gaar ahaa Jaalliyadaha Degmada Geed balaadh ee wadamaasi waxay Hambalyo U direen Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo Noqday Wasiirkii ugu Horeeyay ee Xasuusta isla markaana waxqabad la taga Degmada Geedbalaadhan tan iyo intii Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo la Wareegtay talada Dalka.

XAGLATOOSIYE

Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo ku Hadlaysa Afka Qurbajoogta Gobolka Gabiley Gaar ahaana Degmada Geedbalaadh ee Wadamada Holland iyo jarmalka oo dhamaalkan na soo gaadhsiisay ayaa Sheegtay in Wasiir Saleebaan Xaglo toosiye noqon doono Wasiir Taariikhda u gala dadwaynaha reer geedbalaadh kaasi oo markii ugu horeysay waxqabad ula tagay isla markaana u dhagax dhigay MCH-ka magaalada oo baahi wayn bulshadu u qabtay iyada oo aanu wali wasiir kale soo caga dhigin tan iyo intii xukuumadani xilka la wareegtay.

Marwo Xaliimo waxa kale oo ay Sheegtay in Degmadu ka mid tahay Deegaanada la illaaway ee aanay xakuumadu xataa cagta saran intii ay xilka la wareegtay marka laga reebo maamulka gobolka iyo dhawr xildhibaan marmar booqda, waxaanay usoo jeedisay in Lagaga Daydo Wasiirka Caafimaadka tusaale fiican ee ku bilaabay dhismaha xanaanada.

Degmada Geedbalaadh oo ka mid ah Degmooyinka Taariikhiga ah ee Xardhan halgankii lagu Xoreeyay Wadanka isla markaana qayb libaax ku lahayd taariikhda Somaliland ayaa ka aradan adeegyada Aasaasiga ah ee Xukuumada looga fadhiyo in ay bulshadii soo dooratay ka haqabtirto.

Somalilandpost.net
Frankfort