Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay Dhaliilo laga Sheegay Adeegga Caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa, 10 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud Muxumed (Xuseen-Xoog) ayaa Si Adag u beeniyay Wax uu Ugu Yeedhay Hadal aan Xaqiiqda ku dhisnayn oo  ay Faafiyeen  qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo ay wax kaga  sheegeen adeegga Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa.

Wasiirka oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda, waxa ku weheliyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada, Dhakhaatiir ajaanib ah oo ka  hawl gala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa  iyo Gudida Madaxa banaan ee maamusha cisbitaalka Caasimada .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadku waxa uu Xusay in Ujeedada Shirkan Jaraa’id ay la xidhiidho Hadalo Maalmahan ku soo baxayay Warbaahinta Maxaliga ah gaar ahaan wargeysyada  ay ka mid yihiin,Haatuf iyo Saxansaxo oo siyaabo khaldan wax uga qoray Cisbitaalka Guud ee Caasimada kuna sheegeen in habacsanaan baahsani ay ka muuqato Cisbitaalka ,isla markaaana uu ku tilmaamay kuwo xaqiiqada ka fog.

Geesta kale Wasiirku waxa uu ka warbixiyay Waxqabadkii wasaarada Caafimaadka Mudadii Sanadka iyo Badhka ahayd ee u dambeysay,waxa kale oo wasiirku Tilmamaay in Dhaqaatiir badan oo Ajaniba ah Isla markaana Madashaas ku sugnaa ay wadanka u yimaadeen inay Adeegyo Caafimaad oo u badan Lacag la’aan ka fuliyaan.  Wasiirka Caafimaadka waxa uu si gaar ah u tilmaamay Mar uu ka hadlayay dhinaca talaalka in qaar ka mid ah Saxaafadu ay si khaldan u tabiyeen dhawaan mar uu ka hadlay arimaha la xidhiidha Xanuunka Booliyada,taas oo ku sifeeyay mid la majaro habaabiyay,isagoo intaas ku daray in Maanta uu Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa  taaganyahay halkii ugu Fiicnayd tan iyo Xiligii Gumaysigii Ingriiska.

Wasiirku Wasaarada Caafimaadku waxa uu sheegay in Wasaaradiisu ay Bilowday inay u fidiso Adeeg qaliin oo lacag la’aan ah Hooyooyinka ay ku Dheeraato waqtiga Dhalmadu,waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday in markii u horaysay ay bilaash ama lacag la’aan ay ka dhigeen Qaliinada lagu sameeyo hooyooyinka fooshu ku raagto taas oo uu ku sheegay fursad aad u wanaagsan.

Waxa kale oo halkaasi Ka hadlayay Masuuliyiin ka Tirsan Gudida Madaxa bannaan ee Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa kuwaas oo dhamaan sheegay sida ay ugu Faraxsanayahiin Hawlaha Caafimaad ee wakhti Xaadirka ka socdo Cisbitaalka Guud  ee Magaalada Hargeisa.

SLpost News/Hargeysa