Wasiirka Caafimaadka oo Go’aan Kama-dambays ah ka soo saaray Baahinta Xayaysiisyada Adeegyada Caafimaad

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaaka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed, ayaa markii u horeysay go’aan muddeysan ka soo saaray baahinta Xayaysiinta iyo Ogeysiinta Adeegyada Caafimaadka ee ay bixinayaa cusbitaallada iyo goobaha kale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay laga bilaabo bishan 9-keeda aan la baahin karin Xayaysiisyada Caafimaad ee aan oggolaanshiyaha ka haysan isla markaana aan soo marin xafiiska warbaahinta ee wasaaradda Caafimaadka.

xaglatoosiye (2)Wareegtadan ayaa u qornayd sidan:- “Waxaanu ku war-gelinaynaa dhammaan Shirkadaha is-gaadhsiinta, Idaacadda, Wargeysyada, Warbaahinta muuqaal-aragga, Mareegaha iyo Degellada Wararka iyo Guud ahaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta, in la mabnuucay sii-deynta Xayeysiiyada la xidhiidha farriimaha Caafimaadka iyo daawaynta dadka ee aan soo marin qaybta is-gaadhsiinta ee wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland.

-Markaanu ogaannay in warbaahinta laga sii daayo dad aan khibrad caafimaad u lahayn, kana haysan ogolaansho ruqsadeed wasaaradda Caafimaadka, taas oo mushkilad ku keeni karta bulshadeenna.

-Markaanu eegnay farriimaha caafimaadka ee laga sii daayo in aanay waafaqsanayn siyaasadda iyo shuruucda wasaaradda Caafimaadka.

Waxaanu soo saarnay, wareegtadan oo dhaqan-geli doonta maalinta ay bishu tahay 09/02/2015. Sidaas darteed, waxaanu idin faraynaa inaad fulisaan ku-dhaqanka wareegtadan,” ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxay xafiiska Wasiirka caafimaadka.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame, ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadku 8-deeda bishan bilaabayso ololaha talaalka Cudurka Dabaysha ee Carruurta da’doodu ka yar tahay shanta Sanno, kaas oo socon doona muddo afar maalmood ah.

“Talaalku wuxuu bilaabi doonaa bisha Siddeedeeda, wuxuuna socon doonaa bisha kow iyo tobankeeda, dhammaan waxaan ku wargelinayaa bulsha-weynta inay ogaadaan oo u diyaar-garoobaan.

Waxa kale oo aan ku wargelinayaa shaqaale-weynaha wasaaradda caafimaadka ee kala jooga Lixda gobo lee ay ka kooban tahay inay iyaguna u diyaar-garoobaan sidii ay bulshada u gaadhsiin lahaayeen dawada talaalka iyo Fiitamiinkii la socday oo aanu wada-gaadhsiinnay gobollada dalka,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET