Wasiirka Caafimaadka Oo Dhagax-dhigay Cusbitaal Dhimirka Ah Oo Laga Hirgelinayo Sallaxley

Salaxley, (SLpost)- Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) iyo haweenka ururka Gaaroodi ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay cusbitaal dhimirka ah, kaas oo laga hirgelinayo deegaanka Qalax ee duleedka magaalada Hargeysa.wasiir xaglatoosiye

Munaasibad kooban oo ka dhacaday deegaanka Qalax ayaa waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye, xubnaha ururka haweenka Gaaroodi oo iyagu maalgelinaya dhismaha cisbitaalkan, gudoomiyaha guddida dhismaha waddada Cad Cali Sanyare, madax dhaqameed, Aqoonyahan, qurbo joog, Haween iyo Dadweyne kale.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye ayaa ugu horayn munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ammaan balaadhan dusha u saaray haweenka Gaaroodi, isagoo ku tilmaamay in ay yihin haween ka soo dhex muuqday haween waynaha reer Somaliland, waxaanu wasiir Xaglo-toosiye ku dheeraaday xanuunka dhimirka iyo sida uu bulshada u saameeyey isagoo ballan qaaday in kaalin libaax leh ay ka qaadan doonaan dhismaha cusbitaalkan dhimirka ah

Guddoomiyaha guddida dhismaha waddada Cad  Cali Sanyare ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ku dheeraaday qiimaha haweenka Gaaroodi ku leeyihiin dalka isagoo ka waramay kaalinta ay ka qaateen horumarinta deegaanka isagoo si gaara carrabka ugu dhuftay cusbitaalka Salaxley oo uu sheegay in ay iyagu dhiseen isla markaaan ay qalabeeyeen, isaga oo sheegay in ay maantana haweenkani ay ballan-qaadeen dhismaha cusbitaalkan maskaxda oo ay qalabayn doonaan isagoo ugu baaqay bulshada deeganka iyo dadka wanaagga jecelba in ay qeybtooda ka qaataan oo ay wax ku darsadaan.

Canab Iimaan ayaa gabogabadii munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay  in ujeeddada halkan la isugu yimi ay tahay arrin caafimaad isla markaan ay dhagax dhigi doonaaan Cusbitaal dhimirka ah maadaama in badan oo ka mid ay bulshadeenu ay xanuunka waallida u jiifaan, Marwo Canab iimaan ayaa xukuumadda ugu baaqday in ay kala qeyb qaataan hirgalinta dhismaha cusbitaalkan.