Wasiirka Caafimaadka oo Caasimadda ku soo laabtay, kana war-bixiyey Waxyaabaha uga qabsoomay socdaal ku galaa-bixiyey Gobolka Buuhoodle

XAGLATOOSIYEHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) oo todobaadyadii u dambeeyey socdaal ku marayey gobolka Buuhoodle oo uu Mashaariic kala duwan u dhagax-dhigay deegaanno ka mid ah, ayaa maanta ku soo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa.

Wasiirka waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha Xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dadweyne, waxaanu ka hadlay najiijada safarka uu ku marayey gobolka Buuhoodle iyo waxyaabihii u soo qabsoomay.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA