Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Uga Digay Inay Somaliya La Wadaagaan Xeerka ay Isgaadhsiinta U Samaysanayso

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka boosaha iyo is gaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya uga digay inay wax talo ah ku yeeshaan xeer baarlamanka Somaliya uu u samaynaayo isgaadhsiintiisa.

waxa uu wasiir Abgaal sheegay in Somaliland xeerkeeda isgaadhsiintu uu dhamaystiran yahay waxaanu ku waaniyay madaxda Somaliya inay dadkooda u shaqeeyaan Somalilandna iska ilaawaan, sida oo kale waxa uu ugu goodiyay shirkada xeerkaas ka qaybqaadata ama amaro uu leeyahay fulisa inay u fasixi doonaan inay dalka ka baxdo.

11950765_899001623480868_524928462_n 11940302_899001486814215_610330309_n

wasiir Abgaal waxa uu sidan ku sheegay maanta isaga oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa “Waxa ihoryaala xeerkii sigaadhsiinta Somaliland oo 2010-kii uu golaha wakiilada Somaliland ansixiyay oo dhaqangal ah oo aanu ku shaqayno oo isgaadhsiinta Somalilandna lagu maamulo waxii maalintii la ansaxiyay ka danbeeyay.maanta waxa lagu wadwadaa Xamar xeer kale oo inta inaga qusaysa ay tahay furaha Somaliland iyo Somaliyaba ka dhaxeeya sidaas darteed waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo inaan xeer leenahay oo aynu dawladnimadiiba ku kala tagnay. waxa halkan maanta ka taagan tii hore uga taagnayd wasaarada duulista, waxaan cadaynayaa in aanu xeerkaasi na qusayn hadii wanaaga la waayana waxayagu anaga waa noo diyaar oo waanu ku shaqaysanaa, waxaanu leenahay walaaladayo dadkiina u shaqeeya taayadu idimaqusaysee.”

waxa uu yidhi wasiirku isaga oo shirkadaha u digaayay“waxaanu u sheegaynaa shirkadaha isgaadhsiinta ee wada shaqaynta iyo xeerkaasiba naga dhaxeeyo in aanu xeerka Muqdisho khusayn, kalamahadi lakartaan, talo kuma darsan kartaan lama xidhiidhi kartaan, amaro aad ka qaadataan iska daayo, aynu ku wada shaqayno kalsoonideena, cidii daydaynimado ka muuqatana waanu u fasaxaynaa dhankaas hayskaga noqdaane.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland