Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hadlay Wakhtigii Uu Ahaa Khaatumo iyo Sida Fikirkaasi U Shaqayn Waayay

 

Hargeysa(SLpost)-Baashe Cali Jaamac wasiirka biyaha Somaliland ayaa colaada Khaatumo Ku tilmaamay mid aan macno buuran ku fadhiyin, waxaanu sheegay inuu fikirkaas aaminsanaa kana mid ahaa kooxdaasi se uu ka dhaqaaqay markii uu shaqayn waayay.

 

Waxa uu baaq ugu diray inay Somaliland wadahadal la furaan, waxaanu eedaymo u jeediyay Cali Khaliif Galaydh, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu Khaarumo waan ka mid ahaan jiray, wakhtigii hore dadka deegaanka 80% waa ay matalaysay, laakiin maanta boqolkiiba toban ka yarbay matashaa ayaa laga yaabaa, waayo raga wata ee Cali Khaliif ka midka yahay waxay ka dhigteen waxay naf ahaan ugu danaystaan marna Xamar la’la aado, wax rabitaanka dadka iyo cabashadooda ka jawaabaya maaha, markaas dhaqdhaqaaqa uu ka wado Baligacad, waxa uu uga jeedo wali nuxurkeeda maanu ogaan inuu beesha caalamka is tusaayo iyo inuu leeyahay halaygu cusboonaysiiyo, laakiin dadka deegaanku waxay soo sheegayaan inuu dagaal iyo nabadgalyo daro abaabulayo, Cali Khaliif hada waxa uu matalayaa naftiisa uun ee kama turjimaayo cabashada dadka deegaanka.”

Wasiirka oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi“Cabashada deegaankaasi waa laba, waa mid jirta iyo mid lagu dar daro, way jirtaa runtii cabasho badan oo loo garaabi karo bariga, way jirtaa in madaxda matasha ee halkan joogtaa aanu sidii la rabay ugu hagarbixin oo Hargeysi imika waxay noqotay Xamar labaad oo marka la soo gaadho sida bariga loogu noqdaaba way adagtahay, wayna jiraan baahiyo iyo dib u dhacyo badan oo gobolada bariga ka jiraa oo aan galbeedka ka jirin,waxaanu ka xukuumad ahana labadan sano ku dadaalaynaa inaanu bariga wax ka qabano.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku baaq u diray dadka bariga Somaliland“Waxaan dadka deegaankaas leeyahay nabada qaata, waxaad doonaysaan wada hadal ku raadsada, laakiin ma qabo  maanta hadii Khaatumo la’la hado inay deegaankaas wada matasho, waxaanu leenahay fikir hadii lagu guuldaraystaa waa laga hadhaa isaga hadha,waxaanu leenahay nabadgalyo wax halagu raadiyo dadkana yaan dhibaato loo horseedi, waliba Khaatumo colaad macno leh kuma jirto ileen colaada ragu waaba galaaye.”