Wasiirka Beeraha Somaliland oo Joojiyey Heshiis uu hore u saxeexay iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa gebi ahaanba joojiyey heshiis lagu fulinayey mashruuc la qorsheeyey in laga hirgeliyo dhulka beeralayda ee Degmada Tog-Wajaale.

Heshiiska ayaa wasiirku hore ula saxeexday shirkad laga leeyahay dalka China oo loo xil-saaray inay dhulka Beerlayda ah ee degmada Tog-wajaale ka beerto Geed la sheegay inuu yahay nooca Saliidda laga miiro oo magaciisa la soo bandhigay.

Haseyeeshee, baadhitaan ay sameeyeen aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Gabiley, ayaa lagaga deyriyey khatar uu leeyahay Geedka shirkada Shiinaha laga leeyahay ku beeraysay dalka, kaas oo lagu tilmaamay inuu sun yahay, waxyeellona u geysanayo deegaanka.

Sidoo kale, bulshada iyo aqoonyahanka ku dhaqanka gobolkaas, ayaa wasaaradda ku dhaliilay heshiiska ay saxeexday, waxaanay ku baaqeen in laga laabto fulinta Mashruucaas oo aanay oggolayn in deegaankooda laga fuliyo.

Haddaba, warbixintan hoose kaga bogo go’aanka Wasiirka iyo sababaha uu u daliishaday