Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Hargeysa Ka Furay Shir Lagu Qiimaynayo Wax Soo-saarka Dalka Ee Sanadkii Hore + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka furay Shirka qiimaynta Wax soo-saarka Dalka, kaasi oo sannad kasta hal mar la qabto.

Shirkan oo ay qabatay Hay’adda FSNAU/FAO ayaa waxa ka qayb-galay Hay’adaha Qaramada Midoobay sida FAO, WFP iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Beeraha iyo ka soo qayb-galayaal Ajaajib ah oo ka kala yimid meelo kala duwan.

beeraha foa2Shirkan oo maanta ka furmay Huteelka Ambsaddor ee Magaalada Hargeysa, ayaa loo qorsheyeey in muddo saddex maalmood ah oo uu socon doono in lagu faaqido isla markaana lagu qiimeeyo wax-soo-saarka dhinaca Dalagga Beeraha ee Dalka.

Ugu horeyn waxa shirka ka hadlay Madaxa hay’adda FSNAU/FAO Mr Daniel, waxaanu ka warramay Ujeeddada loo qabtay shirkan oo ah qiimaynta wax soo saarka Beeraha iyo xoolaha.

Wuxuu sheegay in la qiimayn doonaa xog ay hore u soo ururriyaan shaqaalaha Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shaqaalaha FSNAU xilligi beeraha la gooyey ee sannadkii hore gudihiisii.

beeraha Foa1Wuxuuu sheegay ka soo qayb-galayaasha Shirka oo isugu jira hay’adaha qaramada midoobay sida FAO, WFP iyo hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Beeraha iyo ka soo qayb-galayaal kale oo ka kala meelo kala duwan.

Madaxa FSNAU, Mr Daniel waxa kale oo uu sheegay in qiimayntan uu ka soo bixi doono War-bixin muujin doonta xaaladda guud ee dalka ee xagga sugnaanta cuntada.

beraha foaDhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed oo Shirkaa si rasmi ah u furay ayaa u Mahad-celiyey dhammaan ka soo qayb-galayaasha shirkaasi, waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweynayo Hay’adda Wasaaradda Beeraha kala shaqeeya Beeraha ee Shirkan qaybta ka ah.

Wasiir Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in dal kastaa la soo baxo Cuntdiisa, si buu yidhi looga baxo ku tiirsanaanta cuntada Dibedda.

Beeraha FOAWasiirku Wuxuu ka hadlay xaaladda guud ee sanadkan xagga wax soo saarka Beeraha, wuxuu sheegay in ka dib Markii wasaaradda horumarinta Beerahu samaysay wacyi-gelin faro badan inay dad badan ku dhiiradeen qodaalka iyo ka qayb-qaadashada wax soo-saarka, taas oo keentay in qodaalku kordho, inkasta oo uu xusay inay jireen caqabado samayn ku yeeshay wax soo-saarka beeruhu halkii loo baahnaa gaadho, waxaanu sheegay in cabaqadaha yimid ay ka mid yihiin Xasharaadka waxyeeleeya wax soo-saarka, Shimbirta cunta Dalagyadu markay soo baxaan, Diirta loo yaqaano ‘Dhuun-qabadka’ oo sannadkii hore aad u badnayd iyo Roobka oo uu tilmaamay inuu yaraaday xilligii Beeralaydu u baahnaayeen.

Waxa kale oo uu Wasiirka Beeruhu tilmaamay in si ay Wasaaraddu kor ugu qaaddo Wax soo-saarka ay qodday Banka Wajaale, Deegaannada Beer iyo Xaaxi, kuwaasi tilmaamay in Raashin Wanaagsan ka soo go’ay Wajaale, kaasina noqon doono Kaydka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Md. Axmed Muumin Seed oo khudbadda uu halkaa ka jeediyey sii wada, ayaa tilmaamay in Dawladda Somaliland ogtahay in Shirkan FSNAU la doonayey in lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, hase-ahaatee ay Dawlad ahaan ku faraxsan yihiin in Hay’adda qabanaysaa ay xaqiiqada waajahday oo ay ku qabatay Somaliland.

beeraha foaaSidoo kale, Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Somaliland mar kasta way soo dhawaynaysaa Cid kasta oo ka shaqaynaysa Wax soo-saarka..”ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed, waxaanu intaa ku daray “Dal kastaa wuxuu horumar gaadhaa marka uu iskaga filnaado cuntada, weliba uu isticmaalo waxa uu la soo baxo. Markaa Qorshaha Somaliland waa in Tobanka Sano ee soo socda ay iskaga filnaato Cuntada iyo biyaha, taas oo Xukuumadda maanta jirtaa xoogga saartay sidii ay horumarin lahayd dadkana u jihayn lahayd sidii wax soo saarka loo xoojin lahaa..”

Shirkan waxa kale oo Wasaaradda Horumarinta Beeraha uga qayb-galay Masuuliyiin uu ka mid yahay Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Maroodi-jeex, Cabdirisaaq Gaboobe.