Wasiirka Beeraha oo Kormeer ku tagay Tuulada Aburiin oo laga Fuliyey Mashruuc lagu tijaabinayo Dalagyada ka bixi kara Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan Isu duwayaasha Wasaaradda Beeraha ee Gobollada Togdheer, Gebilay iyo Maroodijeex, ayaa shalay kormeer ku tagay Beerta Tijaabada Abuurka dalagga beeraha ee Tuulada Aburiin ee Gobolka Maroodijeex.

Waxaa kale oo Wasiirka Beeraaha safarkoodan ku wehelinayay Masuuliyiin ka tirsan Hay’ada cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO, iyadoo ay deegaanka Aburiin ay in muddo ahba tababar uga socday qaar ka mid ah beeralayda dalka.

Socdaalka Wasiirka Beeraha ayaa la xidhiidhay tijaabo lagu samaynayo Boqol nooc oo ka mid ah dalagga beeraha kuwaas oo laga xulanayo noocyada dalagga ee ugu fiican cimilo ahaanna ka bixi kara Somaliland.

Mashruuca Aburiin waxaa si wada jir ah isaga kaashanaya hirgalinteeda Wasaarada Beeraha iyo hay’ada FAO.

 

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net