Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadlay Rabashadihii Ka Dhacay Laasacaanood

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Yaasiin Maxamuud X. Xiir  (Faratoon), ayaa ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Laasacaanood ee khasaaraha nafeed dhalisay.

 

hqdefault

 

 

“Imika (Xalay) way kala deggan tahay Magaaladu oo way joogsadeen rabshadihii ka dhacay Maanta (Shalay), rabshadaasi laba Nin oo Booliis ah ayaa ku dhintay illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee, waxa kale oo ku dhaawacmay saddex Qof.” ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo Wargeyska HIMILO u waramay

 

 

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay khasaaraha ka dhashay Rabshadda, “Waxa ay rabshadani ka bilaabantay markii ay isku soo baxeen dad ka cadhaysan dilalkii hore ee ka dhacay magaalada, balse waxaad mooddaa inay ka faa’iideysteen (Dadka dhibka geystay) Dumar iyo ciyaal buuq buuqaya, haatanse rabshadaasi way soo af-goday oo wax ka jiraa ma jiraan”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo faahfaahinaya Dilka Labada Askari ee Booliiska ah oo midkood Saldhig u ahaa inay Rabshaduhu bilaabmaan, “khilaaf iyo is af-garanwaa iyo waxyaalo booliska dhexdiisa ka yimid uun bay ahayd, mana aha wax fikrad kale ka danbayso ee waa dad isku cadhooday, sidaa awgeed ayaa labada Askari mid ka mid ahi uu ku dhintay iyaga dhexdooda (Booliiska), Askariga kalena waxa uu ku dhintay markii ay Saldhigga soo weerareen dad ka gadooday dhimashada Askarigaasi hore”.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa