Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka Wargeyska Ogaal iyo Weriye kale

Xasan Cumar Xasan

Hargeysa, 20 February, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka iyo Xisaabaadka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa Xasan Cumar Xasan.

Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Wargeyska Ogaal Xasan Cumar Xasan, ayaa amarka lagu xidhay uu bixiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ka dib markii uu Taleefankiisa gacanta kala soo hadlay gelinkii hore ee maanta, isaga oo u sheegay in looga baahan yahay Wasaaradda arrimaha gudaha Xarunteeda Hargeysa, maaddaama oo uu yahay maamulka Ogaal. Iyada oo aan xadhiggiisa wax sharci ah oo loo maray jirin, isla markaana aan wax waaran ah lagu qabay, balse kaliya amarka Xadhiggiisa uu bixiyey Wasiir Duur.

Haseyeeshee, Agaasime Xasan Cumar Xasan markii uu gaadhay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo ku taalla Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa oo madaxtooyada wax yar u jirta, ayuu Wasiir Duur amar ku bixiyey in la qabto, ka dibna intay Ciidammadu qabteen ayaa loo qaaday xarunta Ciidanka dembi-baadhista oo iyaduna ku taalla isla Xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu illaa hadda ku xidhan yahay. Waxa sidoo kale halkaa lagu xidhay Weriye ka tirsan Shabakadda Ramaasnews Maxamed Boosh.

Wasiirka, ayaa Ciidammada uu amarka siiyey u sheegay in loo haysto Xasan war Caddadkii maanta ee Wargeyska Ogaal ku soo baxay oo sheegayey in la sheegay Ciidammo ka tirsan Jabhadda ONLF oo ku soo tabobbartay dalka Eritrea Doon kaga soo degeen Deked dabeeci ah oo ku taalla Xeebta la yidhaahdo Buulla-caddo oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal (Selel). Warkaas oo uu Wargeysku ka soo xigtay mid ka mida Shabakadaha wararka Internet-ka ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa hore ugu hanjabay Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal Xasan Cumar Xasan, waxaana loo malaynayaa in uu kaga dhabeeyey Wasiirku hanjabaaddiisaa hore, maaddaama oo uu sharcigu dhigayo in waxa Wargeys qoro cidda dacwad ka qabtaa kala xidhiidhi karto, waxna ka weydiin karto Tifaftiraha guud ee Wargeska, hase-yeeshee, ma jirin wax xidhiidh ah oo uu Wasiir Duur la soo sameeyey Tifaftiraha Ogaal.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net