Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo u Hanjabay Xisbiyada Mucaaradka ah

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inuu u quus-geynayo Xisbiyada Mucaaradka ah ee maalmahan ku baaqayey haddii dib-u-dhac ku yimaaddo doorashada in la kala diro Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo isku mar muddadu ka dhammaanayso badhtamaha sannadkan, isla markaana la sameeyo Xukuumad dalka doorasho gaadhsiisa.

Hase-yeeshee, waxa uu Waran-cadde ku dooday inan dawlad la soo doortay oo keliyi beddeli karto dawladda.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sidaas ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inta ka horraysa Xukuumad doorashada Shacabka ku timi in cidda awoodda sharciga ah lihi tahay keliya Xukuumadda hadda talada haysa ee Shacabku soo doortay, xataa haddii ay dib-u-dhacdo doorashadu intay doonto.

HALKAN KA DAAWO