Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo iftiimiyey Shaki beesha Caalamku ka qabto Ciidamo loo samaynayo Ammaanka Shirkadaha Sahaminta Shidaalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa iftiimiyey tuhunno Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku ka qabto abuuritaanka Ciidan Gaar ah oo qaabilsan ilaalinta Ammaanka shirkadaha Sahaminta Shidaalka, waxaanu sharraxayey muhiimadda laga leeyahay iyo qaabka ay u hawl-gali doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo iftiimiyey Shaki beesha Caalamku ka qabto Ciidamo loo samaynayo Ammaanka Shirkadaha Sahaminta ShidaalkaCiidamadan oo lagu magaaabo UPS oo axsaabta mucaaradku dhaliilo ugu jeediyeen xukuuumadda, ayaa la sheegay in laga soo dhex-xulayo ciidamada Booliska iyo Milatariga, waxaanu maamulkoodu hoos-tagayaa isla markaana ka tirsanaan doonaan Ciidanka Booliska Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta hadal ka jeediyey Kulan ay soo qaban-qaabisay Daladda ay ku bahoobeen Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONAF oo lagu soo bandhigay Shidaalka Somaliland, waxa uu sheegay in beesha caalamka loo gudbiyey xog iyo farriimo marin-habaabin ah oo lagu dacaayadaynayo Ciidamadan, haseyeeshee waxa uu soo bandhigay muhiimadda ciidankani u leeyahay ka faa’idaysiga kheyraadka dalka.

Shirkado dhowr ah oo xukuumadda Somaliland heshiis kula galay sahaminta Shidaalka dalka, ayaa shuruud ka dhigay inaanay wax hawl-gal ah ka bilaabayn dalka ilaa la sameeyo ciidamo si gaar ah ammaankooda u ilaaliya, iyaga oo tixraacaya digniino waddamada Ingiriiska iyo Maraykanku tiraba dhowr jeer kaga dayriiyeen ammaanka waddamada Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto, kuwaas oo ay uga digeen muwaadiniintooda inay u safraan xaalad ammaan awgeed.

HALKAN KA DAAWO WASIIRKA OO SHARRAXAYA CIIDAMADAN