Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Iclaamiyey Xilliga la bilaabayo bixinta Kaadhadhka Muwaadiniinta

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  muddeeyay xilliga ay bixinayaan kana bilaabayaan dalka oo dhan  kaadhka dhalashada muwaadiniinta, isaga oo dhinaca kalena xusay cidda xaqa u leh qaadashada jinsiyadda muwaadinnimada.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu maanta la yeeshay Maayarrada magaalooyinka iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka, kaas oo uu ku soo bandhigay Xeer-nidaame qeexaya qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadiniinta.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa xeer nidaamiyaha qeexaya qaadashada jinsiyada ama dhalashada Somaliland. Kaadhkaasi oo noqon doona Astaanta kaliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay dalkan Somaliland, waxa uu hirgalayaa xeer-nidaamiyahani 1-da bisha labaad ee sanadkan 2014. Fulinta xeerkan waxaa ka qayb qaadanaya dhammaan Hay’adaha ku shaqada leh Jinsiyadaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo ciddii kale ee Xeerku xaq u siiyo fulinteeda.”

Wasiirka oo ka hadlayey cidda xaqa u leh, xeerkanina muwaadinka u aqoonsan yahay, waxa uu yidhi, “Muwaadin waxa loola jeedaa qof kasta oo ka isiran dadkii degganaa geyiga Somaliland 26-kii June 1960-kiiiyo wixii ka horeeyay iyo Qof si sharciya u qaatay Dhalashada Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sharraxaad ka bixiyey eray-bixinaha uu xeerkani koobsanayo ee lagu dabbaqayo bixinta kaadhka aqoonsiga Muwaadinka, waxaanu yidhi, “Laaji waxa loola jeedaa Qof kasta oo loo aqoonsado qaxooti oo ku sugan dalkan Somaliland. Ajanab, waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn Muwaadin Somaliland ah. Qaan-gaadh, waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo wixii ka badan. Carruur, waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 sano. Aabba-laawe, waxa loola jeedaa Ilmaha aan la aqoonsan aabihii, balse leh hal waalid oo la yaqaanooo ah hooyadii.

Wasiirku isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu yidhi, “Muwaadinimada u dhalashada ah: waxa muwaadin dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran dadkii Somaliland deganaa 1960-kii. Qofka dhaladka ahi wuxuu qaadan karaa dhalasho waddan kale isaga oo aan luminayn dhalashadiisa Somaliland-nimo. Muwaadin kasta oo Somaliland ah oo ku nool waddamada shisheeye, dhalasho kalena haysta waxa uu qaadan karaa kaadhka dhalashada marka u horaysa ee uu soo galo Dalka Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET