Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gudoomiye cusub u magacaabay Degmadda Bulaxaar Ee gobolka Saaxil

Wasiirka Daakhiliga

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur  Caraale(Duur),ayaa maanta soo saaray xeer uu gudoomiye cusub ugu  magacaabay degmada Bulaxaar ee gobolka Saaxil.

Xeerka uu wasiirka arimaha guduhu soo saaray ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

“wasiiirka arimaha guduhu markii uu arkay qodobada 110 iyo 111 ee dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland,markii uu arkay 18-aad ee xeer no.23/2002 ee xeerka gobolada iyo degmooyinka Somaliland, markii uu aqoonsaday baahida  keentay in isbadal lagu sameeyo xubnaha gudida fulinta ee gobolada dalka qaarkood, markii uu tixgaliyey talada madaxda iyo odoyaasha arinka degmadaas khuseeya waxa uu gudoomiyaha  degmada Bulaxaar  u magacaabay Maxamuud Qawdhan Ayax marka laga bilaabo taariikhda uu soo baxay xeerkan,gudoomiyaha gobolka Saaxilna waxa la farayaa inuu sida ugu dhakhsaha badan xilka ugu kala wareejiyo gudoomiyihii hore ee degmada iyo gudoomiyaha  cusub, waxaana gudoomiyaha cusub la farayaa inuu si habsamiya u guto shaqadiisa.”;ayaa lagu yidhi xeerka uu wasiirka arimaha guduhu  gudoomiyaha ugu magacaabay degmada Bulaxaar ee gobolka Saaxil.