Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gudo-galay Kulamo Isu-soo dhawayn ah oo uu la qaatay Beelaha Ciise iyo Samaroon

Wasiirka Daakhiliga

Saylac (SLpost)- Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa maanta guda galay xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka  ee degmada  Saylac oo   jooga isaga iyo Wefti uu hogaaminay shalay socdaal ku tageen

Wasiirka arrimaha Gudaha oo uu weheliyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Doorashaooyinka iyo axsaabta qaranka Maxamed Muuse Abees iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxay kulan la yeesheen beeshii  cabashada ka qabtay dhismaha Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac.

Wasiirka Daakhiliga
Wasiirka Daakhiliga

Kulankaas oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka  ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano ka kala socda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Siyaasiyiin, wax garad, cuqaal iyo oday dhameedyo ka soo jeeda Beesha degta Gobolka Salal.

Sidoo kale waxaa shirkan goob joog ka ahaa  Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed.

Kulankaas oo gogol xaadh u ah raadinta xal rasmiya oo laga gaadho shaqaaqooyinkii dhawaanta ka dhacay deegaanka Degmada Saylac, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay  Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed waxaanu ku soo dhaweeyay Wasiirka Socdaalka uu ku yimid Gobolka Salal,isagoo hoosta ka Xariiqay inay caaqil iyo ciroole, salaadiin iyo siyaasiyiiba ay diyaar u yihiin Xal kasta oo lagu furdaamiyo Xanafta ka dhalatay doorashadii Golayaasha Deegaanka .

Sidoo kale  wasiirka Arimaha Gudaha S/land Maxamed Nuur Caraale Duur oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay sidii xal nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa khilaafka ka dhex dhashay labada beeleed ee Walaalaha ah ee wada dega isagoo intaas ku daray inaanay Gobolka Salal ka tagayn ilaa ay dhamaystiraan Cabashada dhex taala Magaalada Saylac, intaa ka dib Beesha iyo Wasiirkuba waxay galeen kulan ay albaabadu u xidhan yihiin.

Waxa filayaa, in marka uu dhammaado kulanka weftiga Wasiirka iyo Beesha Ciise, in kulan kale dhexmaro Wasiirka iyo wax-garadka beesha Samaroon oo iyadu isku qaadatay maayarka iyo ku-xigeenka degmada Saylac.

Xaalada Guud ee Magaalada Saylac ayaa aad u degan, ka dib todobaadyadii la soo dhaafay oo uu Muran Cakirani ka dhex taagnaa, taas oo sababtay dhimasha hal qof iyo dhaawac todoba kale ka dib markii ciidamada ammaanka isku dayeen inay xoog ku kala dareeriyaan mudaharaadayaal horjoogay xarunta dawladda Hoose ee magaalada Saylac.

SOMALILANDPOST.NET