Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Arrimo Ammaanka la xidhiidha ku jooga Gobollada Awdal iyo Selel

Lughaya (SLpost)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa kormeer ku joogga deegaamada gobolka Selal ee Somaliland isaga oo deegaamada ku dhereran xeebta galbeed ee dalka iyo gobolka Awdal ku maraya socdaal xaqiiqo raadis ah.

Wasiirka arrimaha Gudaha oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu kaga qaybgalay magaalada Darban ee Koonfur Afrika shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Wasiirada arrimaha Gudaha ee dalalka afrika, ayaa dalka ka soo galay dhinaca xuduudda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirka Wasiirku ka qayb-galay oo socday bisha 6-deedii ilaa  7-deedii,waxaa lagaga hadlay sidii loo samayn lahaa qorshe ku wajahan Tiro koobka Barakacayaasha iyo sidii loogu samayn lahaa diiwaangelin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha noogu waramay khadka telefoonka ayaa sheegay inuu Maanta iyo Beriba socdaal ku mari doono jiidaha gobolka Salal. Wasiirku waxa uu xusay inuu socdaalkiisan ka bilaabi doono magaalada Geerisa oo dab qabsaday isla markaana khasaare baaxad lehi soo gaadhay.

Wassiirku waxa uu Maanta soo maray deegaamada Lawya-cado. Saylac, Geerisa isagoo shirar kala duwan la yeeshay maamulka iyo duqayda jiidahaasi,waxaa kale oo u sheegay inuu u kuurgalayo xaalada nololeed ee dad iyo duunyo,isagoo intaas ku daray in weli deegaanada xeebuhu ay abaar yihiin.inkastoo sida uu xusay dhulka buuralayda ahi ay roobab heleen .

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa caawa u hoyanaya degmada Lughaya waxaa wasiirka arrimaha gudaha socdaalkiisa ku wehelinaya Taliyaha ciidamada ilaalada iyo difaaca xeebaha Admiral Axmed Aw Cismaan iyo taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net