Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo safarkiisii ugu horeeyay ugu baxay Kiiniya

Hargeysa ( SLpost) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ugu baxay dalka Kiiniya, kaasoo la sheegay inuu kaga qayb galayo Shir uu la leeyahay Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageera oo lagaga hadli doono mashruuca New Dealka la yidhaahdo oo ah deeq loogu talogalay wadamada dhaqaalahoodu liito.

Ergayga gaarka ah ee midawga Yurub u qaabilsan Somaliya/Somaliland Ambassador Michele cervone ayaa martiqaad u fidiyay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland si ay uga wadahadlaan wadahadalo ay hore uga yeesheen nidaamka cusub ee loo marayo deeqaha cusub ee ay bixinayaan ee loogu yeedho New Deal.

Wasiir Biixi inta uu joogo Dalka Kiiniya waxa uu kulmi doonaa Madaxda Xafiisyadda Qaramada Midoobay ee ku sugan Dalka Kiiniya, kuwaas oo uu kala xaajoon doono Deeqaha ay Somaliland siin jireen isla markaana uga sii ambaqaadaan xidhiidhkii ay hore ula lahaayeen Somaliland.

images (2)

Sidoo kale, waxa uu Wasiir Biixi gaadhsiin doonaa Madaxda iyo Dublamaasiyiinta beesha Caalamka ee uu la kulmi doono isagoo gaadhsiin doona Farriin ku saabsan Qudbadii Madaxweyne Siilaanyo Akhriyay Ciidal Fidrigii taasoo ku saabsanayd in aanay Somaliland ka qayb gali doonin Shirka Brusels ee Somaliya dhaqaalaha loogu Ururinayo.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Ahmed Yuusuf Suudi ayaa sheegaya in Wasiirku u gudbin doono mawqifka Somaliland ee la xidhiidha barnaamijka Deeqaha Somaliya loo maamulayo ee la yidhaahdo New Deal kaasoo shirka Brussels lagu salayn doono go’aamada ka soo baxa, maadaama nidaamkaasi yahay mid ku cusub qaabka Somaliya loo soo gaadhsiiyo dhaqaalaha la siiyo.

Dhanaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa la filayaa kulamada uu la yeelan doono madaxda Qaramada Midoobay in ay kaga wadahadli doonaan xafiiska cusun ee UNSOM ee qaabilsan siyaasadda Somaliya, kaasoo ay Xukuumadda Somaliland hore u diiday balse sida laga war-qabo iyada oo aan Qaramada midoobay fasax u haysan ka shaqeeya Hargeys.

Si kasta ha ahaatee Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu Dalka dibadiisa u socdaalo tan iyo wakhtigii uu Dalka yimid, isagoo mudadii uu joogay u kuur galayay hawlaha Xafiiska Wasaaradda loo magacaabay.

Somalilandpost.net

Hargeysa