Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan oo sheegay in Dalkiisa iyo Somaliland cadaadis dibadeed kala kulmeen xidhiidhkooda siyaasadeed

 

Taipei (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, Joseph Wu, ayaa sheegay in dalkiisa iyo Somaliland ay cadaadisyo dibadeed kala kulmeen xidhiidhka dibloomasiyadeed ee labada waddan u furmay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu daah-furay Xafiis diblumaasiyadeed oo Somaliland ka furatay Magaalada Taipea ee dalka Taiwan, waxa uu sheegay inaanay dhankooda u joojin doonin tallaabo cid kasta oo iskudayda inay carqaladayso xidhiidha ay la fureen Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Taiwan waxa uu ugu horeyn ka warramay waxyaabaha ay heshiiyeen Somaliland iyo Taiwan, waxaanu yidhi “Xafiis-wakiilkeedka Somaliland ka furatay Taiwan wuxuu baal cusub u furayaa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.”

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan wuxuu sheegay in Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu labadoodaba ku keenay Cadaadisyo dibedeed, laakiin ay u diyaar u yihiin inay danahooda difaacaan.

“Labadayaduba waxaan la kulannaa cadaadis dibadeed, laakiin waxaanu ku faanaynaa madax-bannaanidayada oo aan diyaar u nahay inaan difaacno, ”ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa uu sheegay in Taiwan ahaan ka caawinayaan Somaliland dhinacyada horumarinta Kalluumaysiga, Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada iyo Arrimo kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net