Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka warbixiyey natiijada Socdaal saddex todobaad qaatay oo ugu maqnaa waddamada Maraykanka iyo Kanada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka warbixiyey natiijada socdaal uu ku tagay waddamada Maraykanka iyo Kanada iyo kulamo uu la qaatay madax ka tirsan Qaramada Midoobay, dawladaha Maraykanka iyo Canada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo maanta warfidiyeennada ugu warramay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo uu ka soo degay ka dib Socdaal muddo saddex todobaad qaatay oo uu ugu maqnaa waddamada Maraykanka iyo Canada, waxa kale oo uu ka warbixiyey kulamok uu dalka Kenya kula yeeshay dibloomasiyiin Caalami ah iyo Wasiirro ka tirsan dawladda Federaalka Itoobiya

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA